Hargeysa, 21, Mar 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu ku dhaqan geliyay laba xeer oo ay hore labada Gole u soo ansixiyeen.
Labadan Xeer oo kala ah Xeerka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista oo dhawaan labadaba ay ansixiyeen Labada Gole.
warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka soo Madaxtooyada, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Wararka ee Somalidiasporanews ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-988/032012, ku Dhaqan-geliyey Xeerka La-Dagaalanka Budhcad – badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012.
Madaxweynuhu :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Helay: Goaanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/555/2012 ee 21/03/2011 ee Goaanka Ansixinta Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeer Lr. 52/2012 ee Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law)
Sidoo kale, Madaxaweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-988/032012, ku Dhaqan-geliyey Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista Xeer Lr. 53/2012.
Madaxweynuhu :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Helay: Goaanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/555/2012 ee 21/03/2011 ee Goaanka Ansixinta Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista Xeer Lr. 53/2012;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeer Lr. 53/2012
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
SDN, Hargeisa Somaliland
