Ciwaanka buugga:AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA
Qoraaga: Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Tirada bogagga:158 bog
Mawduuca buugga:suugaantii gumaysidiidka ahayd ee la tiriyey waagii gumaysiga
Summadda buugga:ISBN: 978-91-976661-5-7
Xidhiidhka buugga:abdibashir@hotmail.com
Waa buug cusub oo lagu ururiyey suugaantii gumaysi-diidka ahayd ee la curiyey waagii gumaystayaasha. Waa
gabayo, geeraarro, masafooyon, heellooyin iyo jiiftooyin
lagu cabbiray xaalado murug badnaa oo soo maray umadda Soomaaliyeed. Abwaanno kala duwan, wakhtiyo kala duwan iyo deegaanno kala duwan ayaa laga soo min-guuriyey suugaantan. Waxa ugu fac weyn suugaan la tiriyey 1891 oo ku beegnayd markii gumaysiga Talyaanigu soo caga-dhigtay xeebaha shabeellada dhexe. Sheekh Axmed-gabyow/Wacdiyow oo ahaa sheekh caan ahaa, haddana suugaanyahan ahaa ayaa isku deyey in uu af iyo addinba kaga hortago gumaystaha. Waxana ku jira suugaantiisii:
Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid
Sidii rasuul rabbi nooma soo dirin.
Mana rabnoo naga reed bax waa niri (1891)
Markii Talyaanigu u soo diray wadaadka, odayaal ka waaniya waddaninimada iyo jihaadka uu abaabulayo, wuxu ugu jawaabay:
Soomaali aan u dagaalamaynaa,
Dalkaan balaaran u daafacaynaa,
Kufriga soo degay diida leenahay.
Kuwa dulmaaya la dood gelaynaa,
Dantiinii duul kale dhowrimaayee
Ha daalinoo u dulqaata leenahay (1891)
Waxana ugu dambeeyey Ibraahin Gadhle oo ka mid ahaa gobannimo doonkii Jabuuti. Bal u fiirso marka uu leeyahay:
Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol buu, ku istareexaaye
Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaa kale eh
Aasiya ba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge
Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarane
Waagii iftiimaba kun baa, nalaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane (1970-naadkii)
Labadaas abwaan waxa u dhaxaysa qiyaastii 80 sano. Dabcan in ka badan 80 abwaan oo wada halgamaa ahaana way u dhexeeyeen. Waxa ka mid ahaa ninka maansadiisa loo doortay ciwaanka buuggan oo la odhan jiray Maxamed Ismaaciil Baasarce (Barkhadcas) oo xaalkiisu ku soo ururay 1958dii in uu oohin miciinsado. Waakii lahaa:
Awoowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay adoonsaday
Ninkii anigana I iibsaday
Ninkii ifka igu adduun tirey
Haddaan ogohoo-nan ka aarsan karayn
Haddaanan Aadanoow unuunka jarayn
Asaag li’i baa ishaa i baddee
Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha (1958)
SIDOO KALE
Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Xaaji Aadan Afqallooc, Muxumed Aw Cabdi Xaashi, Cali Xuseen Xirsi, Faarax Cismaan Kowte, Cismaan Yuusuf Keenadiid, Yuusuf Xaaji Aadan, Cabdi-dhukane Xirsi, Cali-tuur Faarax, Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Guuleed Jucfe, Maxamed Nuur-laangadhe, iyo qaar kale ayaa raadkoodii suugaaneed ee guubaabada, hogatusaalaynta iyo xaq u dirirnimada haa laguugu kaydiyey buuggan.
Suugaanta ka sakow, wuxu buuggu xambaarsanyahay, rajo gelin, yaboohin halgamaa iyo aragti ku saabsan sidii loo samatobixin lahaa umadda Soomaaliyeed ee xaalkeedu baryahan yahay “allow sahal”. Dabcan waa aragti qusaysa mustaqbalka fog.
Maxay ka yidhaahdeen buuggan dadkii arkay?
Aqoonyahanno buuggan daalacday intii aanu madbacadda gelin, ayaa faallooyinka soo socda ka bixiyey:
1. Maxamed Baashe Xaaji Xasan
“AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA”!
Waa jeedal weli ku laba dhacaya naannida damiirka qofka Soomaaliyeed. Nus qarni in ka badan ka hor, ayuu Maxamed Ismaaciil “Barkhadcas” shaabuuggaas isla dul taagey oo la dhacay demmanaantii maanka Soomaalidii la gumaysanayey. Karbaashkaas mid la mid ah ayuu, mar kale maantana; 54 sannadood ka dib; qoraagga buuggani inagu oogayaa. Tebinta dhacdooyinka taariikheed ka
sokow, waxa buuggani ka kooban yahay suugaan naqwo ah oo dareenka hurda jiifka ka kicinaysa, sahanna u ah
aragti qawmi ah oo cokan iyo dhis qaran oo Alleyaqaan ah.”
Maxamed Baashe Xaaji Xasan
2.Cabdalla Xaaji Cismaan qoraaga buugga xeer Ciise
“Buuggani waa qayb ka mid ah sooyaalka ummaddan maanta kala daadsan iyo halgankii ay soo martay oo loo cuskaday suugaanta oo ah diiwaanka kaliya ee loo laabmo haddii la rabo in wax la qoro. Maanta oo kale buuggani waxa uu hiil u yahay dhallinyarada Soomaalida ee nasiib u wayday in dugsiiyada ay ku bartaan sooyaalkoodii dhabta ahaa ee awowyaashood iyo dalkooduba soo mareen.” Cabdalla Xaaji Cismaan
3.Dr Saadiq Enow
“Suugaan mug wayn oo laga dheehanayo hal-abuur cufkiisu buuxo weeyaan. Alle ha u wada naxariisto raggaas, waa fikradahoodii iyo aragtidii ay dejiyeen sababta ay Soomaali ku guuleysatey.” Dr Saadiq Enow
Wixii intaas dheer nagala soo xidhiidh
Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Magaca Buugga:
AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA
Qoraaga
: Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Tirada bogagga:
158 bog
Mawduuca buugga:
suugaantii gumaysi-diidka ahayd ee la tiriyey waagii gumaysiga
Sumadda buugga:
ISBN: 978-91-976661-5-7
Xidhiidhka buugga:
