Uncategorized

Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo ka soo horjeestay mudo kororsiga Madaxweyne Faroole

Qardhho Mar 23,2012(SDN)-Wasiirkii hore ee wasaaraada amniga Puntland Md Cabdilaahi siciid oo sheegay in haatan uu u taagan yahay in tartanka madaxtinimada Puntland ayaa ku gacan seyrdhay in madaxweynaha haatan ee Puntland mudada kororsado.

Md Calbdilahi Siciid oo gaadhay Qardho ayaa saxaafada u sheegay in Dastuurka Puntland ee lagu wado in bisha soo socota codka loo qaado aanu aheyn mid ka turjumaya rabitaanka iyo maslaxada Puntland.

Md Cabdilaahi Siciid waxa uu sheegay in madaxweynaha maamul goboleedku uu qaatay dhabo ka duwan tii uu ummada horteeda ugu dhaartay.

Mar uu wasiirkii hore ka hadlayay shir jaraaid oo uu ku qabtay Qardho ayuu yidhi“Hal maalin kuma darsan kartid… hal maalin, hadii aad ku darsatidna waan u sheegayaa Isimada, waan u sheegayaa dadweynaha, waxan u sheegayaa indheer garadka, wixii dalka ka dhaca adaa mas’uul ka ah”.

Dastuurka cusub ee Puntland ayaa mudo kordhin sanad ah u sameynaya maamulka Madaxweyne Faroole.

SDN-Qardho

contact@somalidiasporanews.com