Kansas Mar 23,2012(SDN)-Askari Mareykan ah oo dhawaan dad shacab ah ku laayay tuulooyinka ku xeedhan Kandahar ayaa la shaaciyay in lagu soo oogay denbi ah in uu laayay 17 ruux.
Askarigan oo lagu hayo haatan Xero ciidamadu leeyihiin oo ku taal aaga Kansan ee Mareykanka ayaa dafiray in uu falkan geystay.
Dawlada Afgaanistaan ayaa hore u shaacisay in dadkaas oo idil aanu dili kareyn ruux qudha.
Sidoo kale dawlada Afgaanistaan ayaa dalbatay in askarigan oo la yidhaahdo Staff Sgt Robert Bales in dalkeeda lagu maxkamadeeyo.
Dhegeysiga dacwadan ayaa ay dhici kartaa in ay qaadato mudo dheer,bacdamaa aan wax cadeymo ah la heyn.
Dilkan loogeystay shacabka ayaa waxa uu carqaladeeyay cilaaqaadka dawladaha Nato iyo Afgaanistaan.
SDN-Kansas
