Garoowe Mar 23,2012(SDN)-Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Md Sheekh Shariif ayaa manta shaaciyay in madaxweynihii xilka uga horeeyay ee maanta ku geeriyoodey magaalada Dubia aas qaran loo sameyn doono.
Sidoo kale Md Shariif waxa uu ka dhawaajiyay magacaabida guddi arintaa farsameysa oo la sameyn doono.
Geesta Kale Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhankiisa ka hadlay geerida ku timi madaxweynihii hore ee TFGda Marxuum Cabdilaahi Yusuf oo uu sheegay in uu hawlo faro badan ka qabtay Puntland.
Md Faroole waxa uu intaa raaciyay in Marxuumka lagu aasi doono degaanada Puntland.
Labada Calan ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa min mudo sadex casho ah hoos loodhigay.
Marxuum Cabdilaahi Yuusuf ayaa xilka madaxweynenimo ee Puntland hayay sanadihii 1998dii ilaa kolkii loo doortay madaxweynaha TFGda 2004tii.
Halka uu xilka Madaxweynenimada TFGda uu iska casilay sanadii 2008dii,xiligaa oo khilaaf dhexmaray isaga iyo Raaiisul wasaare Nuur Cade.
SDN-Garoowe
