Uncategorized

Horjoogaha Kooxda Al-shabaab oo sheegay inuu taageeray dhawaaqii Khaatumo

Muqdisho, 23, Mar 2012 (SDN)- Hogaamiyaha  Kooxda Al shabaab ee ka dagaalanka dalka Soomaaliya, isla markaana dhawaan ku biiray shabakadda Al Qaacida Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Abuu Zubayr ayaa fariin cad oo taageero ah u diray maamul gobolleedkii dhawaan lagaga dhawaaqay Deegaanka Taleex ee lagu magacaabay Khaatumo, sidaana waxa uu ku bayaamiyay cajalad maqal ah oo uu dhawaan shaaciyay oo uu ku dhiirigelinayo taageerayaashiisa ku sugan gudaha dalka Somaliya waxaanu xusay in ay ka mid yihiin taageerayaashiisa ku sugan gudaha dalka Somaliya..

Abuu Zubayr, waxa uu ugu baaqay dadka degan oo deegaanada ay ka mid yihiin Taleex iyo Jiidali iyo kuwa kale ee la midka ah in ay yihiin waa sida uu hadalka u yidhiye in ay ku aadan yihiin dhul iyo deegaano aad u muhiim ah isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay sida ay u soo nooleeyeen halgankii gaalo nacaybka ahaa ee ay ku can baxdeen daraawiishii u dagaalami jirtay naafaynta iyo burburinta cadawga, waxaanu ku dhawaajiyay in talaabadani tahay guul u soo hoyatay tageerayaashiisa ku sugan gudaha dalka Somaliya, waxaanu yidhi

Waxaa Ilaahay mahadii ah hal qarni ka dib in jihaadkii daraawiishta in mar labaad gulufkii Islaamku ku soo rogaal celiyo dhulkaas .

SDN