Burco April 04,2012(SDN)-Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle “Dhego-Cade” ayaa Maanta kala Wareegay qalab ay adeegsadaan Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka haweenkan oo ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee ku nool Magaalada Manchester ee Cariga Ingiriiska.
Deeqdan qalabka ah oo isugu jirta agabyada kala duwan ee ay isticimaalaan ciidanka ilaalada nabadgalyada wadooyinka wuxuu taliyuhu tilmaamay in deeqdani wax weyn ka tari doonto Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle “Dhego-Cade” oo madashii la wareegista deeqdan ka hadlay ayaa u mahadceliyay hablaha agabkan soo gaadhsiiyay oo uu ku tilmaamay kuwo Muujiyay dareen wadaninimo isla markaana go’aansaday sidii ay ciidamadooda wax ula qaban lahaayeen waxa uu Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer intaasi ku daray in deeqdani ay wax ka tarayso baahi jirtay .
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Laanta nabadgalyada Wadooyinka ee Gobolka Togdheer Jaamac Ismaaciil Cali “Dheg jar” oo dhiniciisa ka sheegay inaanay deeqdani ahayn tii Kowaad ee ay soo gaadhsiiyaan haweenka ku dhaqan dalka Ingiriiska.
Sidoo kale Ruun Diiriye oo ahayd Wakiilka Hablaha deeqdan wareejiyay ayaa iftiimisay doorka qurbo joogu ka qaataan horumarka kala duwan ee dalka ka socda waxaanay balan qaaday inaanay halkaas ku joojinayn arrin kasta oo ay u arkaan inay gacan ka gaystaan.
SDN-Hargaysa
