Ganbadha April 03,2012(SDN)-Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo hogaaminaya Saraakiil sarsare oo ciidanka ka tirsan ayaa saaka waabarigii booqday goobihii dhawaantu dagaalada ka dheceen ee Sool iyo Buuhoodle.
Taliyaha ciidamada Somaliland ayaa goobaha warbixino uga dhegeystay abaanduuleyaasha ciidanka ee dagaalada dhawaanta la galay kooxo degaanka ah.
Taliyaha ayaa ciidamada ku amaanay sidii ay isga caabiyeen kooxahaa ku soo duulay.
Sidoo kale Taliyaha General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) ayaa ciidamada gaadhsiiyay salaan iyo fariin uu uga siday madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo.
Ciidamada aagaga hore ku sugan ayaa Axdii hore waxa ay iswejeheen ciidamo ku soo duulay oo ay iska caabiyeen hub,saanad,maxaabiis iyo Gawaadhina ay ka qabteen.
SDN-Gabandhe
