Uncategorized

Raashin Gargaar ah oo maanta loo qeybiyada dadka ku nool degaanada Xeebaha ee Saaxil

Hargeysa April 04,2012(SDN)-Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan “Ramaax” iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta Deeq raashin ah gaadhsiiyay dadka ku nool deegaanada dhinaca xeebaha ee Gobolka Saaxil.

Waxaa deeqdan oo dhamayd Lixdan Tan oo raashin kala duwan ah dalka keentay hay’ada Islamic Relief Origination iyadoo loogu talo galay deegaamada xeebta bariga iyo galbeedka ee gobolka saaxil oo ay ka jiraan xaalad abaareed.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan “Ramaax” iyo madax kale ayaa deeqdan si rasmi ah ugu qaybiyay deegaamada  dhinaca bari ee Gobolkaasi gaar ahaan Xagal iyo Laas Ciidle ,halka jiida Go’da Weyn, Go’da Yar iyo Abdaal ay deeqdan gaadhsiiyeen Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi.

Bulshada ku nool jiidaha kala duwan ee deeqdan loo qaybiyay  ayaa u mahad celiyay maamulka gobolka Saaxil iyo hay’ada taakuladan soo gaadhsiiyay.   

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com