Uncategorized

Wasiirka Cadaalada Somaliland oo ka hadlay Burcad badeeda dalka la keenay

Hargeysa April 04,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa Maanta faahfaahin ka bixiyay Maxaabiis Budhcad badeed ah oo ay dawlada Sishalis ku soo wareejisay Xukuumada Somaliland si ay Xabsigooda ugu dhamaystaan jeelasha dalka.

Wasiirka Cadaaladu waxa uu xusay in Somaliland iyo beesha caalamku ay ka wada shaqaynayeen mudo dheer isdhaafsiga maxaabiista Budhcad badeedka ah isla markaana ay Somaliland aqbashay in Maxaabiista Budhcad badeedka ah ee lagu xukumo dalal kale marka ay Maxaabiistu codsadaan loo soo wareejin karo Somaliland .

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu intaas ku daray in Somaliland mudo dheer ay halgan ugu jirtay sidii ay beesha caalamka ugala shaqayn lahayd Ilaalinta Xeebaha iyo ka hor tagista budhcad badeedka taasina ay tahay ayuu yidhi ta keentay in Somaliland lagu aamino in dalkeeda lagu xabiso .

Wasiirka Wasaarada Cadaalada waxa uu intaas ku daray in talaabada keenista maxaabiistani ay ku timid dalab ka yimid dhinaca Maxaabiista budhcad badeedka ah oo iyagu codsaday in Somaliland la geeyo isla markaana ay ku door bideen dhinacyada diinta,Luqada, iyo qaraabadooda oo ku soo booqan kara.

Waxa uu Wasiirku cadeeyay in maxaabiistani marka ay xukunkooda dhamaytaan ay ku laaban karaan Wadankooda Somalia , Mudane Xuseen  Axmed Caydiid waxa kale oo uu sheegay faa’iidada ugu jirta maxaabiistan in la keeno Somaliland ay tahay sidii la inooga caawin lahaa dhismaha Maxkamadaha,tababarada garsoorka iyo kordhinta Xabsiyada Wadanka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com