Muqdisho April 05,2012(SDN)-Qaraxii wuxushnimada ah ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhaawacmay tiro suxuufiyiin ah oo ka hawlgala hay’adaha warbaahineed ee Muqdisho
Qiyaastii ilaa 13 Suxuufi ayaa waxa soo gaadhay dhaawacyo kal duwan oo isugu jira qaar fudu iyo kuwo culus.
Suxufiyiinta shalay ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Shabaabku sheegteen ayaa isugu jira rag iyo Dumar mudo ka hawlgelayay Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhacay xili lagu guddo jiray munaasibad loo sameeyay sanad guuradii ka soo dib u soo celinta TVga dawlada.
Ma cada cida u gurman doonta suxuufiyiintii shalay dhaawacmay.
Suxuufiyiinta Soomaalida ayaan helin qadarin iyo xuquuqaha assaasiga ah ee ay xaqa ugu leeyiiin mujtamica ay ku dhex nool yihiin.
SDN-Muqdisho
