Tripoli April 05,2012(SDN)-Dawlada dalka Libiya ayaa maanta ku celisay in aaney qorsheyneyn in ay maxkamada denbiyada Caalemiga ah ee Hugue u gudbin doonin Ina Qadaafi.
Ina Qadaafi oo la qabtay sanadkii hore ayaa waxa dalbaday maxkamada in loo gacan geliyo maxkamada si loogu qaado denbiyo ka dha ah aadamaha.
Dawlada Libiya ayaa shaacisay in ay ku hawlan tahay dhismaha Maxkamad iyo xabsi fulin doona qaadida dacwadaha noocan ah.
Sayf Al Islam ayaa ahaa inanka uu ugu kalsoonaa madaxweynihii hore ee dalka Libiya Mucamar Al Qadaafi.
Hogaanka dalka Libiya ayaa xilkii ka tuuray dawladii hore ee dalkaas iyaga oo gacan ka helaya dalalka reer Galbeedka.
SDN-Tripoli
