Uncategorized

Xukuumadda oo xilka ka qaaday Madaxii Waaxda Socdaalka Somaliland, masuul cusubna magacowday

Hargeysa 05, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii waaxda Socdaalka Mr. Maxamed Cismaan Caalin (Dayib).

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan laga soosaaray xil-ka-qaadistaas, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, wasiirka Daakhiliga Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu maanta soosaaray degreeto uu xilka kaga qaaday madaxii Waaxda Socdaalka Dayib Cismaan Caalin.

Warku wuxuu intaa ku daray, in wasiirku taliyaha cusub ee Socdaalka u magacaabay Mr. Maxamed Cali (Maxamed Cambaro yar) oo hore uga mid ahaa masuuliyiinta hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Madaxii Laanta Socdaalka Mr. Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo muddo dheer hayay xilkaas, waxa lagu tilmaamaa taliye si wayn u dhisay ciidanka waaxda Socdaalka, isla markaana wax qabad muuqda muujiyay intii uu xilkaa hayay.

Laanta Socdaalku waxay sannado badan oo muddadii maamulkii Rayaale ah hoos tegi jirtay hay’adda Sirdoonka Qaranka oo iyaduna hoos tagna Madaxtooyada, laakiin Madaxweyne Siilaanyo markii uu 2010 xilka qabtay waxa uu degreeto ku soosaaray inay ka madaxbanaanaato Sirdoonka, isla markaana ay noqoto Waax ka tirsan wasaaradda Daakhiliga.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay xil-ka-qaadista lagu sameeyay taliyihii Waaxda Socdaalka Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com