Uncategorized

Somaliland: Urur-siyaasadeedka Umadda oo noqday kii 1aad ee Shirweynihiisa qabsaday iyo Dr Gaboose oo dhexdhexaadnimo la’aan ku eedeeyay Xukuumadda

Hargeysa 05, April 2012 (Qurbejoog.com)- Urur-siyaasadeedka Umadda oo ka mid ah 15 urur ee cusub ee la diiwaangeliyay, ayaa noqday kii u horeeyay ee qabsaday Shirweynihiisa, maadaama ay dhismaha haykalkooda ururnimo ka mid tahay shuruudaha guddiga Diiwaangelintu ku xidheen.

Shirweynaha 1aad ee Umadda oo gelinkii hore ee maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay ilaa 140 ergay oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka iyo sidoo kale xubno wadamada dibadda ka yimi.

Shirweynahan waxa lagu doortay guddoomiyaha ururkaas, Murashaxa Madaxweynenimo iyo kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee hoggaanka ururkaas.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo hadal ka jeediyay furitaankii shirkaas, waxa ka hadlay himilooyinka ururkooda, arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale, wuxuuna dhaliil u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo mar ka soo qabtay xilka wasiirka Daakhiliga ka hor intii aanu iska casilin dhawr bilood ka hor. “Waxa jirta tuhun hoose, kaasoo sheegaya in ay xukuumaddu dhexdhexaadnimadii ka baxayso, taasoo ururada siyaasada qaar ka mid ah dabada ka riixayso, iyadoo hantida umadda la isu isticmaalayo,” ayuu yidhi Dr. Gaboose. “Markaa waxaan soo jeedin lahaa inay Xukuumaddu dhexdhexaad u noqoto ururada siyaasadda ee tartamaya,” ayuu raaciyay hadalkiisa. “Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu odhan jiray ‘waxaan qabtay doorashadii Deegaanka, tii Baarlamaanka iyo tii Madaxtooyada, laakiin adiga (Siilaanyo), waxay umaddu kaaga fadhidaa sida aad u hirgeliso doorashadii kuugu horaysay, jidka keliya ee wax kuugu hagaagi karaana waxa weeye; inaad dhexdhexaad ka noqoto siyaasadda, balse maaha sida ay wax kuugu sheegaan kuwa kaa ag dhawi. Madaxweyne, arrimaha musuqmaasuqa ee ka jira xukuumaddaada hala yaabin, waayo muddadii yarayd ee aad joogtay waa taa ay muuqato in Agaasimayaashaadii guud ay soo bandhiyaan falalka musuqmaasuq, arimaha musuqmaasuqana waxa ugu dambaysay tan la sheegayo in akoon laga samaystay wadamada debada, taasoo la dhiganayo hantida umadda, waxaana laga hadlayaa arimo badan oo musuqmaasuq oo raad xun ku reebaya taariikhdaada siyaasadeed, waxaanan kaa codsan lahaa in arinta akoon-ka ee ay xildhibaanadu soo ogaadeen aanad iska difaacine, aad xaqiiqada soo ogaato inay jirto iyo inkale,” ayuu yidhi mar uu la hadlayay Madaxweyne Siilaanyo.

Shirweynahan waxa lagu doortay murashaxiinta iyo xubnaha hoggaanka ururkaas, waxaana guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweynenimo loo doortay Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), iyadoo shan xubnood oo kale oo lagu doortayna magacyadoodu kala yihiin;

1.      Guddoomiye ku xigeenka koowaad (Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka) Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec.

2.      Cabdirashiid Maxamed Cali

3.      Dr Axmed Maxamuud Nuur.

4.      Dr Xuseen Ismaaciil Cabdi.

5.      Canab Jaamac Faarax.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com