Baladweyne April 06,2012(SDN)-Magaalada Baladweyne ayaa shalay fiidkii lagu dilay suxufigii afraad ee sanadkan lagu dilo Soomaaliya.
Rag Hubeysan ayaa dil toogasho ah ku dilay wariye Mahad Salaad Aadan”Mahad Jarmal”.
Marxuumka ayaa u saqeynayay warbaahinta Shabeelle iyo qaar ka mid ah baraha Internetka ee Soomaalida.
Dad Goobjoog ahaa ayaa sheegay in sadex ruux oo wejiga soo qarsaday ay aqalkiisa hortiisa ku toogteen marxuumka.
Ciidamada dawlada ee gacanta haatan ku haya degmada Baladweyne ayaa ragii dilka geystay baacsaday oo mid ka mid ahna toogtay.
Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hawlgala dalka dunida ugu khatarta badan suxuufiyiinta.
SDN-Baladweyne
