Uncategorized

Xildhibaan Casharo oo dhaleeceeyay hey’adaha amniga Soomaaliya

Muqdisho April 06,2012(SDN)-Madaxa guddi hoosaadka warbaahinta Md Cawada Xashara ayaa Hayadaha amniga Qaranka ku eedeeyay in aaney gudan waajibaadkoodii amni ee loo igmaday.

Xildhibaan Xashara oo ka hadlayay qaraxii lala eegtay masuuliyiinta dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in qaraxyada Noocan oo kale ah lagu leynayo Soomaalida.

“Baasha caalamka waxaan ka codsaneynaa in ay saraakiisha amniga gacan ka siiyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka noocan oo kale ah”ayuu yidhi.

Qaraxii Tiyaataka ayaa waxa ku dhintay ilaa lix ruux oo ay ku jiraan madaxdii ciyaaraha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in ciidamada dawladu ay ka gaabiyeen ka hortaga dhacdooyika lidi ku ah degenaanta degaanada ay ka arimiyaan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com