Hargeysa 07, April 2012 (Qurbejoog.com)- Muddo-xileedka goleyaasha Deegaanka Somaliland, ayaa ku eg maanta oo ay taariikhdu tahay 7, April 2012, ka dib markii laba jeer oo hore xilka loogu kordhiyay markii ay qabsoomi wayday doorashada dawladdaha Hoose.
Golaha Guurtida oo Distoorku siiyay awooda muddo-kordhinta, waxay 07 September, 2010 muddo-xileed 18 bilood ah u kordhiyeen golayaasha Deegaanada Somaliland oo la doortay December 2002.
Guurtidu waxay sidoo kale isla maalintaas 07,09 2010 muddo laba sano iyo 8 bilood ah u kordhiyeen xil-haynta golaha Wakiilada oo la doortay 29 September 2005. Sidoo kale, golaha Guurtidu waxay iyaguna xilka korodhsadeen ilaa 2014-ka, si ay muddo sanad ah uga dambeeyaan golaha Wakiilada.
Muddo-kordhintaas oo xilligaas ka dambaysay markii uu golayaasha Deegaanka xilku ka dhamaaday, ka dib shan sannadood iyo muddo kordhin hore oo loo sameeyay, waxa ogolaaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), saddexda xisbi qaran ee hadda xisbiyada kumeel-gaadhka ah iyo Komishanka Doorashooyinka.
Golaha Guurtidu waxay xilligaas go’aamiyeen in doorashada Deegaanka lagu qabto inta ka horaysa 07, April 2012, xukuumadduna diyaariso wixii dhinaceeda ku xidhan ee la xidhiidha suurtogelinta doorashada Deegaanka ee dhawrka jeer baaqsatay.
Haddaba, maanta oo ay taariikhdu tahay 07, April 2012, waxa ku eg waqtigii goleyaasha Deegaanada loo kordhiyay ee sharciga ahaa, iyadoo doorashaduna dib uga dhacday xilligii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland u qabteen qabsoomideeda.
Ma jiro qorshe muuqda oo inshaaraya xilliga ay ku qabsoomi karto doorashada Deegaanku, waxaana arrimaha ugu wayn ee dib u dhigay ka mid ah furista ururada siyaasadda ee cusub iyo xilliga diiwaangelinta iyo kala-saaristoodu qaadatay.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa guddi wasiiro ah u saartay sidii ay Komishanka Doorashooyinka ugala xaajoon lahaayeen doorashada Deegaanka iyo qorshaha lagu waajahayo muddo-xilleedka maanta ku eg ee goleyaasha Deegaanka.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Madaxtooyadu ka soosaartay hawsha guddigaas, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, guddigan oo ka kooban shan wasiir, waxay Khamiistii kulan saacado qaatay la yeesheen xubnaha Guddiga Doorashooyinka.
Guddigan xukuumaddu magacawday oo kala ah; Wasiirada Khaarajiga, Maxamed Cabdullaahi Cumar, Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale Duur, Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Kalluumaysiga Cabdullaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire), waxa uu kulankooda Guddiga Doorashooyinka ay la yeesheen ka dhacay xarunta Komishanka ee caasimadda Hargeysa.
Warku wuxuu intaa ku daray, in kulankaa lagu lafoguray sida ugu suurtogalsan ee ay u qabsoomi lahayd doorashada Deegaanku, waxayna sida la sheegay wasiiradu ku doodeen in Xukuumaddu raadin doonto kharashka ku baxaya doorashadaas, marka laga tago inta ay Qaadhaan-bixiyeyaasha ajanabiga ahi ugu talogaleen.
Laakiin, sida uu guddoomiyaha golaha Wakiiladu ka sheegay fadhigii ansixinta Miisaaniyad-sannadeedka dawladda ee 2012-2013, xukuumaddu miisaaniyadda uu golaha Wakiiladu todobaadkan ansixiyay kumay darin kharashka doorashada Deegaanka.
Ka sokow arrimahaas, waxyaabaha kale ee caqabada ku ah qabsoomida doorashada waxa ka mid ah; in kharashka Qaadhaan-bixiyeyaashu ku taboruceen uu ku salaysan yahay doorashada habka liistada xidhan ee aan tooska ahayn, taasoo aan waafaqsanayn xeerka Doorashooyinka oo dhowaan goleyaasha Xeer-dejintu ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, kuna saleeyeen in doorashadu noqoto mid toos ah oo la mid ah tii Baarlamaanka ee 2005.
Muddo-xilleedka goleyaasha Deegaanka ee maanta dhamaanaya iyo qorshe la’aanta doorashada Deegaanku, waxa ay waxba kama jiraan ka dhigaysaa qorshe ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku soo bandhigeen 30-kii July 2011.
Qoraal lagu faahfaahiyay qorshaha ku talogal ee Komishanka oo xilligaa soosaaray kusimaha afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), waxa uu u dhignaa sidan; “Geeddi Socodka Doorashooyinka: Sida aynu wada ogsoonnahay tan iyo intii ay doorashadii Madaxtooyada ee 26-kii June, 2010 ee sida xorta ah iyo nabad-gelyada inoogu dhacday in ay dalkan Somaliland usoo hoyatey sumcad iyo guulo waaweyn oo aynu Bulsho Weynta Caalamka kaga kasbanay soo dhaweyn wanaagsan iyo in aynu tusaale u noqono Afrika inteeda kale. Geedi-socodka Dimoqraadiyadeed ee dalkeenu ku caano maalay kuma e’ekayn doorashada Madaxtooyada oo keliya, waxaana Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo igmaday islamarkaana waajibka sharci ee saarani uu yahay (statutory obligation) in uu (Illaahay Idamkiisa) suurto-geliyo qabsoomidda Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah oo dalkan ka hano-qaada.
Komishanka Doorashooyinku: Isagoo fulinaaya waajibaadka Sharci ee faraaya maamulidda iyo hirgelinta doorashooyinka Golayaasha Qaranka.
Isaga oo tixgelinaya go’aankii Golaha Guurtida ee Tirsigiisu ahaa Ref: GG/JSL/127/09/2010 soona baxay 07 September, 2010, nuxurkiisuna ahaa Muddo Kordhinta Goleyaasha Qaranka, kaasoo waajibinaayay “In Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka lagu qabto muddo 18 bilood ah oo ka bilaabanta 07da September 2010 kuna e’eg 07da March 2011.
Isagoo ku xisaabtamaaya Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka hor akhriyay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee ku waajahnayd Qabsoomida doorashooyinka deegaanka. Taasoo uu madaxweynuhu ku ayiday Go’aanka Muddo Kordhinta ee Golaha Guurtida. Haddaba, si uu u suurto-geliyo yoolalka uu hiigsanayo, una guto waajibka Sharci ee saaran, waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku diyaariyay Qorshe-hawleed (Action Plan. Qorshe-hawleedka ay ku suurto gelayaan doorashooyinka kala geddisani oo uu diyaariyay Komishanka Doorashooyinka Qaranku isla markaana ay Beesha Caalamka ee innaga taageerta doorashooyinku ay gacan wayn ka gaysteen, diyaarna u yihiin kaabidda kharashka dhaqaale ee ku baxaaya, waxa uu u dhigan yahay sidan:
Furashada Ururrada Siyaasadda iyo Qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Deegaanka- August 2011-April 2012; Odoroska Diiwaangelinta Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha-June 2011- June 2012 (Feasibility Study, Design and Implementation); Dhammaystirka Diiwaangelinta Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha-February 2013;
Doorashada Golaha Wakiillada- May 2013;
Doorashada/Xulasahada Golaha Guurtida- May 2014;
Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa–June 2015.
Haddii aan la dedejin hawlaha ku xidhan in la fuliyo Qorshe-hawleedkan waxaa suurto-gal ah in ay is-riixaan doorashooyinka ayna meesha ka baxdo Diiwaan-gelin taabbo-gal ah islamarkaana ay adkaato in jadwalka kor ku xusan lagu xisaabtamo. Sidaa daraadeed, waxa Komishanka Doorashooyinkka Qaranku si xushmad leh uga codsanaysaa dhammaan Goleyaasha ay khusayso inay fududeeyaan suurogelinta hanaanka iyo habka ay dalka uga qabsoomi lahayeen Doorashooyinku si aanay innoo seegin in la suurtogeliyo Diiwaan-gelinta Muwaaddinka/Codbixiyeyaasha (Civil and Voter Register) oo dhaxal-gal u noqota Qaranka.”
Haddaba, akhriste bal fekerkaaga ka dhiibo sida aad u aragto caqabadaha jira, habacsanaanta xukuumadda ee doorashada iyo sida ay ku qabsoomi karto doorashada Deegaanka Somaliland.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
