Uncategorized

DIIN,DAD,DAL IYO DAWLAD DIID TOONA LAMA NOQDO

ALXAMDULILAAHI RABIL CAALAMIIN ILAAHAYOW WAA TAADA

Nabigeenii maxamed s.a.w. waqti kastoo oynu joogno waxaa uu inooga tagay talooyin wax ku ool ah waxaanay anfaci qofkii qaata ee raaca ee sideeda u fuliya bal aynu eegno xadiiskan cajiibka ah iyo waxaan ku sugan nahay

Ummul Muminiin Ummi Salamah (A.K.R.)Waxay tidhi.Nabiga (S.A.W.)Wuxuu yidhi .Rag baa madax la idiinka dhigi doonaa  waxaad ku arki doontaan  falal qaarkood (DIINTA WAAFAQSANAYN)qaarna ay (waafaqsan yihiin ).Markaa qofkii muujiya naceyb arrinkoodaasi  ah yacnii (wax ay diinta ku khilaafeen) waa badbaadey .qofkii ka cadhooda oo ku diidaana waa badbaadey.laakiinse waxaa (HOOGEY)qofkii raaca oo raali ka noqda (MUNKARKOODAA)dadkii la joogey baa waxay ku yiraahdeen rasuul Alloow ma waanaan la dagaallamayn ?Wuxuu yidhi nabigu s.a.w. (MAYA)inta ay idinla tukanayaan  (MUSLIM)

 

DHamaantiin waxaan idin leeyahay salaamu calkum warxamatulaahi wa barakaat

 

Intaa ka dib haddaan mawduucan aan guda galo  ummadu marka ay waxyaabo badan isku diido ay ka mid yihiin kuwaan cinwaanka ooga magac dhigay  arrintoodu ma sahlana waxaana ka dhasha mujtamaca waxay dooni iyowaxay diidi la kala garan waayo iyagoo isku haya dawlad iyo dal iyo dadnimaba iyo diin ayaa waxay ku darsadeen inay mabaadii qalaad iyo hawooyin fikradeedna iyo nidaam qabiilna in ay ku dhaqmaan oo ay maamuladoodu ku wada taagan yihiin marka aad eegto maamulada dawliga ah sida maamulka muqdisho iyo maamulka hargeysa  iyo ka jabuutiba waxaasina waxay keenaan cadaalad xumo iyo in dadku dalka iskaga qaxo kuwooda dibadaha joogayna aanay ku soo noqon waayo wax cadaalad iyo sinaan ah meeshii ka muuqataa ma jirto oo lagu soo hirto

Intaa ka dib maamulada  caynkaasi ihina waxay dhaxlaan jahli madax adag leh  oo mashaariicdooda oo dhan iyo kulandooda iyo shirarkooda waxay ku dhamaadaan muran iyo is afgaran waa

Iyo kala tagid iyo diidmo qayaxan waayo waa dad isku diidan dadnimo(oo macnaheedu yahay qabiil qabiil nacayb iyo xukun kooxaysi dano gaar aha laga leeyahay)  dadku markay fakir isku diidaan xal baa loo helaa laakiin dad isku diidan qabiil iyo dano kala gaar aha sida xal loogu helaana way adag tahay

Isku soo wada xoori waxaas oo mashaakilaad ah iyo isafgaranwaa ahna waxay u dhacayaan baan odhan karnaa dadkan madaxda ah oon garanaynin shacbigoodu wax ay dooni iyo waxay diidi waxay garanayaan siday u raali galiyan shisheeyaha iyo mabaadiidooda laakiin garan maayaan sida ay  u fulin lahaayeen mabda shacbigoodu ku abtirsado taasi haday yeeli waayaana arrinkoodu waxaa uu la mid yahay dad yidhi waxaan isku tolaynaa xariir iyo sheet waxaa aynuna ognahay in aan xariir iyo sheed isku tolmin taasi baan u sheegaynaa madaxdeena

Waxaa aan leeyahay dadka yaan fikirkooda loo fiirsan loona turjuman malo xun taasi dadka ayey sii kala fogaysaa

XALKA ALLE AYAA OG LAAKIIN 4TAN HOOS KU QORAN HADDAAN ISKA DHEX EEGNO OON ISKA DAYNO DEEDMADA QAYAXAN WAX BAA HAGAAGI LAHAA BAAN QABAA

AFARTAN HADDII AAD KA BADBAADAY OONAAD KU SIFOOBIN WAXAA TAHAY QOF OG WAXA UU DOONI IYO WAXA UU DIIDI OO XOR AH

DIIN DIID LAMA NOQDO

DAD DIIDNA LAMA NOQDO

DAL DIIDNA LAMA NOQDO

DAWLAD DIIDNA LAMA NOQDO(DAWLADA FAAIIDADEEDA MEELAHA MAAMUL KA JIRO CIIDAN U.N AHI MA JOOGAAN WAA GUUL IYO RAACIYADAADII OO NABAD AH )

 

FUAD JAWI
OTTAWA CANADA