Uncategorized

Diblomaasiyiin ka tirsan dalalka Itoobiya iyo Britain iyo kuwo Caalami ah oo cadaadis ku saaray Madaxweyne Siilaanyo siidaynta Boqor Buur-madow oo 44 maalmood xidhan

Hargeysa 07, April 2012 (Qurbejoog.com)- Diblamaasiyiin ka tirsan dalalka Ethiopia iyo Britain, ayaa ku canaantay Madaxweynaha xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw oo xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay 15 March ee sanadkan, kadib markii uu ku soo laabtay dalka, isagoo mudooyinkii ugu danbeeyay deganaa dalka Imaraadka Carabta, balse markii uu kasoo degey gegida diyaaradaha ee Hargeysa ay ciidanka Boolisku qabteen.

Sida ay sheegayaan warar iyo tibaaxo laga soo xigtay saraakiil xukuumadda Somaliland ah, ayaa sheegay inay maalmihii u danbeeyay diblamaasiyiin u dhashay dalalka Ethiopia, Britain iyo wadamo kale ay kula soo xidhiidhayeen Madaxweynaha Somaliland, kuwaasoo sida ay wararku sheegayaan ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Cismaan Buur-madaw oo ku xidhan xabsiga  44 maalmood, iyadoo aanay jirin maxkamad denbi ku cadaysay. Sidaa awgeed loo soo celiyo xoriyadiisa Boqor Cismaan Buur-madaw oo loo aqoonasanyahay nin nabadeed.

Dhawaaqyada diblaamisayadeed ee lagaga dalbayo Madaxweynaha Somaliland sii deynta Boqor Buur-madaw, ayaa kusoo beegmay todobaad kadib  markii ay Wefti ka kooban afar xubnood  oo ka socday safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo uu Hogaaminayay Mr.  Matt Woods oo ah xog-hayaha labaad ee safaaradaa Britain ay booqasho ku yimaadeen magaaladda Hargeysa, kuwaasoo si toos ah ugu booqday xabsiga  Boqor Buur-madaw iyo laba maxbuus oo kale oo iyagu  haysta dhalashada Britain, isla markaana aanay isku kiis ahayn. Boqor Buur-madaw oo aan wax maxkmad ah la horgayan, isla markaana aan si cad loo oganayn waxa uu ku eedaysnayahay, marka laga yimaado in la rumaysanyahay  inuu u xidhanyahay fekerkiisa oo xaqa uu u leeyahay inuu cabiro rayaigiisa, ayaa xadhigiisa ay hore uga hadleen diblamaasiyiin shisheeye, qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada somaliland, kuwaas oo isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, Odayaal  iyo waxgaradba, isla markaana ugu baaqay marar badan in xoriyadiisa loo soo celiyo, basle waxa uu weli ku xidhanayahay xabsiga, iyadoo aanu  jirin  wax xukun ah oo ku dhacay.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa 27 March 2012, qoraal amar ah oo ay u dirtay xeer-ilaalinta iyo haya’ddaha baadhsita ugu  sheegtay inay mudo todoba maalmood ah kusoo gudbiyaan dacawada loo haysto Buur-madaw iyo waxa lagu eeddaynayo.

Laakiin iyadoo hada laga joogo laba todobaad ayaanay jirin wax dacwad ah oo weli loo gudbiyay maxkamadda. Sida ay sheegayaan tibaaxaha laga helay dhinaca haya’ddaha garsoorka Somaliland.

Dhinaca kale  Hay’addaha xuquuqda aadamaha ee Caalamiga  ayaa wada  dhaq-dhaaqyo ay hoosta kaga xariiqayaan talaabooyinka xukuumadda Somaliland ee xad gudubka ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha iyo xaqa uu qofku u leeyahay inuu helo garsoor oo uu sharciga hortiisa iska difaaco, isla markaana aan lagu xad gudbin sharafta iyo karaamada qofka aadamaha ah, taas oo la rumaysan yahay inay calaamatul su’aal saaray dumuqraadiyada  Somaliland ku faani jirtay ee dunida ka iibinaysay tobankii sanandood ee u danbeeyay.

 

By: Abshir Askar Mohamed.