Uncategorized

Hoggaamiyaha Jabhadda Siiriya: “Qorshaha Nabadda ee Koffi Annan wuu fashilmi doonaa”

Dimishiq 08, April 2012 (Qurbejoog.com/Reuters)- Hoggaamiyaha jabhadda Free Syrian Army ee magacooda loo soo gaabiyo (FSA), Mr. Riad al-Asaad ayaa Axaddii maanta sheegay in qorshaha nabadeed ee dhexdhexaadiyaha Caalamiga ah Kofi Annan dhex dhigay dhinacyada dalka Siiriya uu fashilmi doono.

Siday sheegtay Reuters, hoggaamiyaha Mucaaradka hubaysan ee Siiriya waxa uu qorshahan nabadeed oo dhigaya in 10 April xabad-joojin rasmi ahi ka dhaqangasho dalkaas ku tilmaamay mid fashili doona, maadaama sida uu sheegay aanay dawladda Madaxweyne Bashar al-Assad fulin doonin.

Waxa uu sheegay in aan kooxdiisa la waydiisan inay soo gudbiyaan qoraal ay ku damaanad-qaadayaan sidii loo dhamayn lahaa qulqulatooyinka muddada sannadka ah ka socday dalkaas.

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, waxa hawsha dalka Siiriya u xilsaaray Qaramada Midoobay iyo Jaamicadda Carabta. “Maamulku ma fulin doono qorshahan, qorshahani wuu fashilmayaa,” ayuu yidhi Mr. Riad oo khadka telefoonka ugu waramay Reuters isagoo ku sugan dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay inay muujiyaan in haddii maamulka Madaxweyne Bashar al-Assad fuliyo qorshahan, ay iyaguna sidoo kale dhinacooda fulin doonaan. “Anagu daacad baanu nahay,” ayuu yidhi hoggaamiyaha jabhadda Siiriya.

Qurbejoog.com, Dimishiq

editor@somalidiasporanews.com