Hargeysa 08, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ahna guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirweynaha 1aad ee ururka Wadani oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Cirro wada uu khudbadiisa kaga hadlay; himilooyinka ururkiisa, arrimaha doorashada raagtay ee Deegaanka, xaalada colaadaha degaamada Bariga dalka, tartanka urur-siyaasadeedyada tirada badan ee cusub, wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo qodobo kale.
Guddoomiyuhu waxa uu xukuumadda ugu baaqay in tallo qaran laga yeesho arrimaha la xidhiidha masiirka umadda, taasoo u muuqata qawad uu ka muujinayo guddiga xukuumadda uun ka kooban ee maanta Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wadahadalada Somaliland iyo Somalia, wuxuuna guddoomiyuhu khudbadiisa ku bilaabay sidan; “Anigoo ah Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI waxaan idinku soo dhawaynayaa shirweynaha ururka WADANI. Waxaan idiinka mahad celinayaa sida milgaha iyo karaamadda leh ee aad u soo ajiibteen casuumadihii aanu idiin fidinay waanad ku mahadsan tihiin.
Aasaaseyaasha, xubnaha iyo Taageereyaasha ururka WADANI iyo dhammaan ergooyinka goboladda iyo laamaha dibadda oo dhan 500 oo qof iyo taageereyaasha ururka WADANI inta halkan joogta iyo inta inaga daawanaysa shaashadaha caalamiga ah iyo meel kasta oo aad joogtaan reer WADANI waxaan idin leeyahay salaam diiran. Waxa kale oo aan mahad balaadhan u soo jeedinayaa hawl-wadeenadda reer WADANI ee madashan quruxda weyn inoo soo diyaariyay. Waxaan leeyahay waxaad dhinaciina ka muujiseen hormuudnimadii WADANI ka muujiyay fagaareyaasha kale ee ay saaxadda siyaasadda ku wada jireen walaalaha kale.
Ururka WADANI waa urur ay ku bahoobeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland, waa urur ka dhashay una dhashay reer Somaliland, una taagan inuu nolasha muwaadinka kor u qaado iyo horumar taam ah gaadh siiyo dalka intii ILAAHAY la qabto. WADANI intii yarayd ee uu jiray waa urur firfircoon oo dardar badani ka muuqato hormuudna u noqday intii garoonka siyaasadda kula tartamaysay. Waa urur sidaad aragteen waa urur isaga iyo quluubta dadka reer Somaliland ILAAHAY istusay.
Waa Urur hiigsigiisu fog yahay oo u xaytay inuu nolasha muwaadinka wax ku soo kordhiyo intii ILAAHAY la qabto. Waa urur ay ka muuqdaan dhammaan deegaamadda iyo qeybaha kala duwan ee reer Somaliland.
Ururka WADANI waxa lagu dhawaaqay 6/10/2011-kii isla huteelkan maalintii wanqasha waxa reer Somaliland daawadeen hordhicii WADANI. Maanta waxaynu daawan doonaa filim taariikhi. Ururka wadani wuxuu ahaa ururkii ugu horeeyay ee lagu dhawaaqo ee xafladii wanqashiisa ugu hor sameeyay. Waa ururkii iskugu hor diiwaan geliyay ururadda cusub ee siyaasadda. Waa ururkii lacagta diiwaan gelinta ugu hor bixiyay. Waa ururkii goboladda ugu hor baxay ee soo furtay xafiisyadda goboladda. Waa ururka ugu xafiisyo badan.
Mudaneyaal, Marwooyin iyo dhalinyaro WADANI waa ururka ugu xafiisyo badan laamaha dibadda, waxaanu laamo ku leeyahay dalka Ingiriiska, waxa kale oo uu laamo badan ku leeyahay Maraykanka iyo Finland. Wuxuu laamo ku leeyahay Norway, Sweden, Jarmalka,Sucuudiga,Denmark, Suudaan, imaaraadka carabta, Kenya iyo Polland. Waxa kale oo ururku laamo ku leeyahay oo ergooyin uga yimaadeen Itoobiya, Faransiiska, iyo Pakistaan oo shalay la furay.
Waa ururkii ugu tiro badan qiimaynta madax ka kowga ahayd ee lagu qiimaynayay ururadda waana ururka ugu dhaqdhaqaaqa badan, hufnaanta iyo kala dambaynta. Waa ururka ugu dhexdhexaadsan ee midkale oo kastaa ugu dhow. Waxaan idiin sheegayaa sheeko gaaban nin sheekha oo la yidhaahdo Sh. Axmed Diidaa ayaa u tagay baadariga ugu sareeya diinta kiristaanka wuxuu ku yidhi diintee baa ugu fiican diimaha. Ka dibna wuxuu yidhi kiristaanka dabadeedna wuxuu ku yidhi teebaa ku xigta dabadeedna wuxuu yidhi Islaamka. Sheekhii wuxuu haddana u tagay baadariga ugu sareeya Hinduuga wuxuu isna weydiiyay diimaha tee baa ugu wanaagsan waxaanu isna yidhi waxa ugu wanaagsan Hinduuga waxaana ku xiga Islaamka. Dhamaan wadaadadii diimuhu waxay yidhaahdeen diintayda ayaa ugu fiican laakiin waxa nagu xigta Islaamka.
Imika urur kastaa wuxuu ku leeyahay kayga ayaa ugu fiicnaa, laakiin marka la weydiiyo yaa kugu xiga wuxuu ku odhanayaa WADANI. Waxa kale oo aan sheegaynaa rayi ururin laga qaaday magaaladda ugu shaaha macaan Hargeysa oo Gaafuun la yidhaahdo oo la weydiiyay fadhi ku dirirka siyaasadda iyaguna ururka WADANI kaalinta koowaad ayay siiyeen WADANI.
Waxa ururka maanta ku soo biiray Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda, waxa isna ku soo biiray Gen. Jidhif waxay taasi marag ka tahay halka biyuhu ku gorarayaan.
Himilooyinka Ururka WADANI
Himilooyinka ururka Wadani waxay tahay in muwaadinka Somaliland u dhashay helo baahiyaha aasaasiga ah ee bini’aadamnimo gaadho horumar dhaqan-dhaqaale oo la mustawe ah ka dunida horumaray oo uu helo xuquuqda iyo waajibkiisa dunawiga ah iyo ka aakhiraba.
Ururka wadani waxa uu u taagan yahay midnimadda,horumarka, nabadda iyo hirgelinta ummadda reer Somaliland u baahan tahay ee ay ugu horayso madax banaani taam ah iyo hurmar dheeli-tiran waxa kale oo uu taagan yahay cadaaladda. Waxa kale oo uu hoggaansan yahay dastuurka iyo xeerarka dalka waxaana ka reeban wixii wax u dhimaya midnimadda dalka iyo isku dhamaanshaha dhul ahaaneed.
Hanaanka ururka WADANI ku shaqeeyaa waa tallo wadaag oo afka qalaadna aynu u naqaano dimuqraadiyadda, taas waxa daliil u ah wax wada lahaanshaha in 79 qof oo ka tirsan xubnaha iyo taageereyaasha ururka WADANI ay qaadhaameen lacagtii lagu diiwaan geliyay.
Colaadaha
Ururka WADANI wuxuu qabaa in colaadu tahay cadowga nolasha iyo horumarka meel colaadi ka jirto nolali kama jiri karto, sidaas darteed, Colaadi nooc ay tahayba cidna dan uma aha. Xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaamo ka tirsan Somaliland waxaanu qabnaa in lagu soo dabaalo nabad. Waxa haboon in la fahmo inaan colaadi waxba keenayn. Nabadda la iskuma qasbo ee waa mid loo baahan yahay inay dadka ka soo go’do. Waxaynu u baahan nahay in caqligu shaqeeyo oo la ogaado in colaada wiil ku dhinto ee aanu wiil ku dhalan. Colaadi ciil mooyee caano ma leh. Markaa waxaan ku baaqayaa inaynu nabadda ka wada shaqeyno.
Wada hadalka Somaliland/Soomaaliya
Sidaad la socotaan Soomaaliya bulshadda caalamka gaar ahaan wadamadda reer galbeedka ayaa u arkay khatar nabad-gelyo oo caalami ah sida muuqatana raba dalkaasi nabad lagu soo dabaalo. Sidii ku cadayd heshiiskii London waxa caalamku soo jeediyay in Somaliland iyo Somalia wada hadlaan. Wada hadaladaasi waa inay noqdaan mid Somaliland danteeda ku qotoma oo aan gorgortan laga galayn midnimada iyo madax-banaanida Somaliland. Waa in beesha caalamku ay goob joog ka ahaato wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Wada hadalkuna wuxuu inoo dhex mari karaa inagoo ah laba dal oo siman oo la yidhaahdo Somaliland iyo Soomaaliya.
Doorashooyinka
Ururka WADANI wuxuu aaminsan yahay in doorashooyinku u dhacaan si xaq ah oo xalaal ah, wuxuu aaminsan yahay in la hormariyo nidaamka doorashooyinka oo laga faa’iidaysto waayo aragnimadeenii hore. Waxa loo baahan yahay in si deg deg ah loo cayimo xiliga ay dhacayso doorashadda deegaanku oo aanay ka dambaynin dhammaadka sanadkan aynu ku jirno.
Golaha Deegaanka ee hadda jooga waa in la siiyaa muddo kordhin kooban oo ku salaysan wakhtiga doorashadda la qaban karo.
Ururadda Siyaasadda
Ururka WADANI uma arko dhib iyo khatartoona badnaanta ururadda siyaasadda ee tartamaya, waxay fursad qaali ah u ahayd muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo leh damac siyaasadeed. Waxa kaliya oo loo baahan yahay in ciyaarta xeerarkooda la ilaaliyaa. Waxay iigu muuqataa in Somaliland cidi u maqan tahay EEBE idankiina ceelkiina loo qodi doono, taloow yaa qodaya. WADANI baa qodi doona inshaalaahu. Way fiican tahay inuu qofku damac yeesho laakiin waa inaan damacaagu aanu ku xad-gudbin damaca dadka kale.
WADANI waa urur mudakar ah oo ay ka reeban tahay is aflagaadeynta, isceebynta iyo hadalo xanaf-leh. Waxa Ururka WADANI rabaa in walaalahayaga kale ee ciyaarta kula jira in si anshax leh oo waafaqsan xeerarka, mabaa’dida iyo hanaanka ciyaarta siyaasadda ay nala ciyaaraan.Ururadda aanu walaalaha nahay waxaanu leenahay waa la tartamayaaye yaan la idinka badin.
Xukuumadda
Xukuumadda Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa wixii ku saabsan arrimaha masiirka ummadda in laga yeesho tallo qaran sidii xukuumaddu hore u samaysay ka hor tagitaankii shirkii London.
Waxaan xukuumadda u soo jeedinaynaa sii wadista iyo ka midho dhalinta gogasha nabadda ee ay ku dhawaaqday.
Waxaanu ku dhiiri gelinaynaa curinta xeerarka khayraadka dabiiciga ah iyadoo la filayo in Somaliland laga fuliyo mashaariic waaweyn oo lagaga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa inay abuurto fursado shaqo loogu abuurayo Dhalinyaradda Somaliland. Waxaanan aaminsan nahay in muwaadin kastaa si dabiici ah WADANI u yahay waa la odhan karaa urur hebel ma ihi laakiin lama odhan karo WADANI ma ihi.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
