Hargeysa 09, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Salebaan Bukhaari) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa maanta xog-waran uu saxaafada siiyay kaga hadlay Gudida shanta Wasiir ka kooban ee ay Xukuumadu u saartay wadahadalada Somalia.
Xildhibaan Salebaan Bukhaari, waxa uu aad ugu naqdiyay qaabka ay Xukuumadu Somaliland u waajahayso wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanu ku dhaliilay in Xukuumadu isku koobtay arin u taala reer Somaliland oo dhan, isagoo guddigaasna ku tilmaamay kuwo aan khibrad u lahayn arimaha Soomaaliya, taas bedelkeedana waxa uu xusay inay jiraan dad ka khibrad badan oo kaga haboon wadahadalada dawlada Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay Xukuumadu wax qarinayso, taasina ay sahlayso in ay noqonayso wado halaq mareen ah maadaama oo aanay Xukuumadu talo midaysan ka lahayn. waxa sidoo kale uu ku tilmaamay xukuumada in aanay cidna ogaysiin waxa u qorshaysan oo ay kaga war heleen uun saxaafada maxaliga ah.
Xildhibaan Bukhaari ayaa sidoo kale ka hadlay Sanaaduuqda la sheegay in laga furtay Dibedaha isagoo ku sheegat loogu talo galay in lagu musuqmaasuqo hantidii umadda.
Mar uu ka hadlayay Golaha Baarlamaanka ee Somaliland ee uu ka tirsan yahay, waxa uu ku tilmaamay gole aan micne wayn ku fadhiyin, kuna dhex milmay Fulinta (Xukuumada). Waxa uu si kaftan ah ugu metelay Golehooda Baarlamaanka oo loo bixiyay waa sida uu hadalka u dhigaye, Golaha Duuduubka.
By: Abshir Askar Mohamed,
