Hargeysa, 09, April 2012 (SDN)- Shirweynaha Urur Siyaasaddeedka WAADANI oo lagu doortay Guddoomiye, shan Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye Guud, Golaha Fullinta iyo Gole dhexe.
Maalintii labaad ee Shirweynaha 1aad ee Urur Siyaasaddeedka WADANI, ayaa qorshaheedu ahaa doorashada Hogaanka Ururka, Golaha Dhexe iyo Fullinta.
Waxa hogaanka cusub e Ururka WADANI loo doortay;
1- Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaah (Cirro),
2- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Axmed Muumin Seed
3- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Faarax Maxamed Cabdulle
4- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad Cabdilaahi Siciid
5- Guddoomiye ku-xigeenka 4aad Cabdi Raygal Beegsi
6- Guddoomiye ku-xigeenka 5aad Milgo Maxamed Cabdi
Waxa kale oo Shirweynaha lagu doortay Guddida Fullinta oo ka kooban 35 xubnood iyo Golaha dhexe oo ka kooban 201 xubnood.
SDN, Hargeisa
