Uncategorized

Shirwenihii 1aad ee Ururka Rays oo maanta Hargeysa ka furmay

Hargeysa April 10,2012(SDN)-Shirweynihii 1-aad ee Urur Siyaasadeedka Rays ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Xaraf ee Caasimada Hargaysa isla markaana lagu doortay Hogaanka Urur siyaasadeedka Rays.

Waxaa Shirweynahan ka qayb galay ergooyin ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka, Mas’uul ka socday Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida,Wakiilada iyo Deegaanka,Madax dhaqameedyo iyo Marti sharaf kale.

Afhayeenka Urur Siyaasadeedka Rays Khaliif Maxamed Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaanba ergooyinka ka qayb qaadanaya Shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedkan iyo mas’uuliyiinta kale ee goob jooga ka ah bilowga Shirweynaha 1aad ee ururkan waxaa kale oo afhayeenku ka warbixiyay mabaa’diida uu u taagan yahay Urur siyaasadeedka rays oo ah sidii Somaliland horumar iyo barwaaqo u gaadhi lahayd waxaanu ku dheeraaday in ururka rays uu saaxada siyaasada ka qayb galinayo haweenka iyo dhalinyarada isagoo tilmaamay in urur siyaasadeedka rays uu ka dhashay doonista bulshada iyo sidii isbedel muuqda loo heli lahaa,isla markaana ay ilaalinayaan Midnimada dhuleed ee Somaliland .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madax dhaqameedkii iyo marti sharaftii ka qayb galay shirweynahan oo ku adkeeyay ururada siyaasada ee Somaliland inay ilaaliyaan wax kastoo nabadgalyada qaranka saamayn ku yeelan kara isla markaana ay xoojiyaan isu soo dhawaanshaha shacbiga Somaliland ee wadda dhashay.

Shirweynahan waxaa gebo gabadiisii lagu doortay Gudoomiyaha Ururka Rays Xasan Maxamed Cali “Goofaadhi” halka Gudoomiye ku xigeena loo doortay Aadan Axmed Cilmi “Dhoola yare” iyadoo Gudoomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Saleebaan Barkhad Qulunbe halka Xoghayaha Guud ee Ururka Raysna loo doortay C.qaadir Xuseen Yuusuf iyo Afhayeenka ururka oo loo doortay Khaliif Maxamed Warsame waxaa kale oo shirweynaha lagu  ansixiyay Xeerarka urur siyaasadeedka Rays.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Mudane Xasan Maxamed Cali “Goofaadhi” oo gunaanadkii shirkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaanba ergooyinka kala duwan ee shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedka Rays ka qayb galay waxaanu sheegay inuu rabitaanka Ururka uu ku shaqayn doono isagoo ilaahay ka baryay inuu ku soo asturo xilkaa culus ee loo igmaday..

 SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com