Hargeysa April10,2012(SDN)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Nabada,Dimuquraadiyada iyo Barwaaqada ee Somaliland Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Maanta ku dhawaaqday inay 14 bishan qaban doonaan Shirweynahoodii 1aad.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka NDB oo u waramaysay Saxaafada ayaa u mahadcelisay dhamaanba ummada reer Somaliland gaar ahaan haween weynaha oo kaalin firfircoon ka qaatay hawl galada urur siyaasadeedka Nabada,Dimuquraadiyada iyo Barwaaqada eek u wajahnaa madax taabashadii kunka qof oo ay door shariif ah ka soo qaateen.
Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxaa kale oo ay ku wargalisay Guud ahaan xubnaha urur siyaasadeedku inay ka soo qayb galaan Shirweynahooda 1-aad ee urur siyaasadeedka nabada dimuquraadiyada iyo horumarka oo qabsoomi doona 14-ka bishan oo ku beegan Maalinta Sabtida.
SDN-Hargeysa
