Jigjiga, 13 April 2012 (SDN)- Shir lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa lagu aasaasay ururka horumarinta soomaalida itoobiya, iyadoo ay ka qayb galeen shirkaas Afhayeenka Baarlamaanka DDSI, Madaxweyne ku-xigeenada DDSI, Maamulada Degmooyinka iyo Gobollada DDSI, Wasiirka H/guud DDSI iyo Ganacsatada DDSI Afhayeenka Baarlamaanka DDSI rashiid Isaaq ayaa Tibaaxay inuu Urururkani wax wayn ka tari doono kor u qaadida horumarka iyo Kobaca Dhaqaaale ee Deegaanka, islamarkaana carabaabay in uu ururkani yeelan doono qaab dhismeed ka madax` banaan xukuumadda iyo Siyaasadaba. Sidoo kale wasiirka H/guud iyo Horumarinta Magaalooyinka DDSI Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ayaa sheegay ujeedooyinka Ururkan loo aas aasay oo ah ka faaiidaysiga Hirgalinta Adeegyada aasaasaiga ah sida waxbarashada,caafimaadka iyo kobaca dhaqaale ee deegaankaba,sidoo kalana sheegay in xidhiidho caalami ah uu yelan doono ururku,iyadoona
xaruntiisu noqon doonto ayuu yidhi Magaalada Jigjiga. Dhanka kale Shirkan lagu aasaasay Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya ayaa lagu doortay 15 xubnood oo noqon doonta Hogaaminta Ururkqa kana mid yihii Madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Cabdifataax Maxamuud,Madaxweyne ku Xigeenka DDSI ahna Wasiirka Dakhliga Cabdixakiin, Farxaan Xuseen, Haybe iyo Marwo Xaawa aadan. Sidoo kale waxaa iyana la doortay 5 xubnood oo noqon doona Gudiga dabagalka iyo qiimaynta waxqabadka Ururka horumarinta Soomaalida Itoobiya.
SDN, Jigjiga
