Borama, 13, April (SDN)- guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal ee Boorama Cabdiraxmaan Geedi Barre ayaa maanta min 5- 10 sano oo xadhig ah iyo lacag Ganaax ah oo dhan $180,000 ku riday 32 qof oo deegaanka Lughaya ka gooyay xadhiga Cable-ka Internetka ee badda mara ee la soo jiidayay deegaanka Lughaya.
kooxdan waxa 11 ka mid ah lagu xukumay Min shano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $180,000, halka 21 ka mid ahna lagu xukumay 10 sano oo xadhig ah, waxaanay Maxkamaddu xadhiga 21 ka danbe ay ka dhigtay mid dibad joog ah oo haddii ay fal danbe kula kacaan xadhiga Cable-ka ee Internet-ka in danbigaasi iyo wixii kale ee ka dhaca deegaankaas iyaga dusha loo saari doono.
Dacwadan oo ahayd mid Ciqaab ah waxa ku oogay 31 danbiile ku-xigeenka Xeer ilaaliayaha Gobolka Awdal Axmed Cismaan Mirre, kaasoo Maxkamadda horteeda kaga Oogay danbiyada loo kala haysto oo isugu jiray kuwo gacantooda ula tagay Xadhiga Cable-ka iyo kuwo abaabulay oo ku dhiirigalinayay.
SND, Borama
