Uncategorized

Halyeey Cabdi Noel oo Farance ku geeriyoodey

Paris April 13,2012(SDN)-Madaxii Hay’ada Xuquuqul Insaanka Jabuuti Jean Paul Cabdi Noel ayaa maanta ku geeriyooday dalka Farance ka dib xanuun mudo hayay loo geeyay dalkaas.

Cabdi Noel ayaa dalka Jamhuuriyada Jabuuti ku leh sumcad weyn oo uu ku kasbaday dedaaladii uu u soo galay gobanimo doonkii.

Sidoo kale Cabdi Noel ayaa mudooyinkii ka danbeeyay xornimada ku hawlanaa hawlo caalemiya oo ku takha luqa Xuquuqul Insaanka.

Cabdi Noel ayaa ahaa madaxa dalada ugu weyn ee xuquuql insaanka Jabuuti mudooyinkii u danbeeyay.

Cabdi Noel ayaa si siman dadka reer Jabuuti xuquuqdooda ugu dagaalami jiray.

Xukuumada Jabuuti ayaa tiraba dhawr jeer oo ay dhibsatay hawsha uu hayo xabsiga dhigay Md Cabdi Noel.

SDN-Paris

contact@somalidiasporanews.com