Muqdisho April 13,2012(SDN)-Taliska ciidamda Amisom ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadlay khaasre uu geystay mid ka mida gawaadhidooda gaashaan.
Taliye-xigeenka AMISOM Brigadier General Audace Nduwumunsi ayaa qoraal uu maanta soo saadhay uga hadlay khasaare ka dhashay shil shalay ka dhacay Muqdisho oo dad ku dhaawacmeen.
“Waxaan ka xumay khaladka askarta AMISOM ay ku jiireen gaadhiga dadweyne ee shanta ruux ku dhaawacantaya shalay,AMISOM waxa ay gacan siineysaa dhibanayaasha sidii loo daweyn lahaa.”ayuu yidhi taliye-xigeenku.
“Baaritaan ayaanu sameyneynaa sidii loo ogaan lahaa in askariga waday gaadhiga wax jiiray uu khaladka lahaa,hadii ay ku cadaatana tilaabo ayaanu ka qaadeynaa” ayuu taliyuhu raaciyay.
Ma aha markii u horeysay ee askarta AMISOM ay dad iyo Gawaadhiba ku jiiraan wadooyinka Muqdisho,waase markii u horeysay ee AMISOM ay ka hadasho.
SDN-Muqdisho
