Uncategorized

Cisbitaalka Manhal ee Muqdisho oo bishiiba sameeya 800 oo Ruux inadhaha Qaliinuga sameeya

Muqdisho April 13,2012(SDN)-Cusbitaalka Manhal xaruntiisa Muqdisho ayaa bil walba sameeya 800 oo qaliin oo dhanka Indhaha ah,sisaa waxa sheegay Mehmet Citil oo ah madaxa Hay’ada Yardimeli ee dalaka Turkiga oo gacan qabata Manhal.

Cusbitaalka Indhaha ee Manhal oo xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa ayaa 7 bilood ka hor tegay Muqdisho si ay gacan u siiyaan dadka Soomaaliyeed ee xaalada caafimaad xumo ay ku heysato halkaa.

Madaxa Hay’ada Yardimeli oo u waramay jariirada AA ee dalka Turkiga ayaa sheegay in Turkigu gacan ka siiyo Cusbitaalka Manhal oo isagu fuliya qaliinadan muhiimka ah.

Turkiga Hay’ado faro badan oo ka yimi ayaa mashaariic faro badan ka fulinaya guud ahaan Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com