Hargeysa April 13,2012(SDN)-Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga ayaa Noqday kii Tobanaad ee uu u Qabsoomo Shirweynihiisii 1-aad ee Rasmiga ah kaas oo Maanta ka furmay Huteelka Xaraf ee Caasimada Hargaysa .
Shirweynahan oo mudo laba cisho ah socon doona waxaa ka qayb galay ergooyin ka kala yimid gobolada dalka,Xildhibaano ka Tirsan Golayaasha Qaranka, Mas’uul ka socday Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Axmed Sandoon Xasan oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in urur siyaasadeedkii Nuur ee uu hogaamintiisa hayay iyo Jamhuurigu ay ku heshiiyeen inay isbahaystaan si ay Cududooda meel isugu geeyaan isla markaana ay isla qaateen inay ku hawl galaan Magaca ururka Jamhuuriga .
Gudoomiyahani waxaa kale oo uu u mahadceliyay dhamaanba ergooyinkii ka kala yimid gobolada dalka si ay uga qayb qaataan qabsoomida Shirweynahan oo ka mid ah sida uu xusay marxalad ay waajib ku tahay in urur kastoo isu diiwaangeliyay ka qayb qaadashada saaxada siyaasada dalku uu qabsado shirweynihiisa kowaad .
Mudane Axmed Sandoon Xasan waxaa kale oo uu ka waramay mabaa’diida guud ee gundhiga u ah aasaaska urur siyaasadeedka Jamhuuriga iyo higsigiisa ku aadan inuu wax badan ka bedelo hab nololeedka bulshadeena waxaanu sheegay inay Muruq iyo Maskaxba isugu gaynayaan sidii uu ururkani u noqon lahaa Sadexda Xisbi Qaran ee Distoorku xalaaleeyay.
Waxaa kale oo halkaasi warbixino kala duwan ka soo jeediyay gudida qaban qaabada Shirweynahan waxaana lagu doortay xubnaha Shirka hagi doona .
Shirweynha 1aad ee Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga ayaa lagu wadaa in Maalinta beri ah la soo gabo gabeeyo isla markaana lagu doorto hogaanka rasmiga ah ee ururkan laguna ansixiyo Barnaamijyada iyo Xeerarka u degsan.
SDN-Hargeysa
