Uncategorized

Munaasibad loo sameeyay aasaskii Koobka Kubadda Cagta Somaliland

Hargeysa April 13,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad loo sameeyay Sannad Guuradii Lixaad ee ka soo wareegtay aasaaska Kooxda Kubada Cagta ee Jaamacada Alpha University oo lagu qabtay huteelka Imperial ee Caasimada Hargaysa.

Waxaa kale oo Munaasibadan ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha,Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa,Maamulka Jaamacada Alpha University iyo Ciyaartoygii xaflada loo sameeyay.

Madaxa ardayda Jaamacada Alpha University Axmed Cabdi Ciise ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee jaamacadani soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda  waxaanu sheegay inay ku dadaalayaan dhiirigelinta da’yarta ku hawlan dhinaca Sportiga.

Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay faa’iidooyinka Caafimaad iyo kuwo dhaqaaleba laga helo Ciyaaraha kala duwan isla markaana ay ka qayb qaataan koritaanka Jidheed iyo kuwa Maskaxeed ee bani aadamka,Wasiirku Waxa uu cadeeyay in Wasaaradan uu u xilsaaran yahay ay qaranka u hayso kor u qaadka noocyada kala gedisan ee Ciyaaraha,Muujinta awooda dhalinyarada iyo dhinaca hidaha iyo dhaqanka aynu ummad ahaan leenahay,Waxaanu sheegay in Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan dhiiri-gelinta da’yarta u heelan dhinaca Ciyaaraha isagoo intaas ku daray inay taageero buuxda u fidinayaan kooxdan Magaca Jaamacadan ku Ciyaarta iyo kuwa kale ee dalka ka jira.

Xildhibaan Axmed Cabdi Obsiiye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyo Mudane Xasan Xaydh oo ka tirsan Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa ayaa dhinacooda ku amaanay kooxdan ku ciyaarta Magaca Jaamacada Alpha University isku xidhnaanta fiican ee ka dhaxaysa waxaanay ku booriyeen inay iska ilaaliyaan dhaqamada Guracan ee mustaqbalkooda Saamaynta ku leh sida Qabyaalada iyo Balwadaha oo mugdi gelinaya nolosha fiican ee u soo hiraysa.

Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo laba xubnood oo ka socday Xidhiidhada Ciyaaraha waxaana Gabo gabadii munaasibadaasi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay tababaraha Kooxda Ciyaartoyga ah iyo Labada Xildhibaan ee ka kala Tirsan Golaha Wakiilada iyo Deegaanka .  

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com