Uncategorized

Guddoomiyaha Degmedda Sheekh oo ka warbixiyay Mashaariic lagu diirsaday

Sheekh April 13,2012(SDN)-Gudoomiyaha Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil Ibraahin C.laahi Cabsiiye ayaa Maanta faah faahin ka bixiyay qaabka ay degmo ahaan uga faa’iidaysteen Mashruuca ay ku Midoobeen Wasaarada Arrimaha Gudaha, Lix ka mid ah dawladaha hoose ee dalka iyo hay’adaha Caalamiga ah.

Waxa uu Maayarka Degmada Sheekh uu Xusay in deegaamo ka tirsan degmadaasi ay ka taagan tahay xaalad abaareed balse ay ku rajo weyn yihiin inay wax badani iska bedeli doonaan maadaama aynu galnay xilli roobaadkii gu’ga .

Ibraahin C.laahi Cabsiiye waxa uu sheegay in Mashruuca Horumarinta ee GPLG ay sannadkan uga faa’iidaysteen dhinaca nidaaminta biyo galinta degmadaas isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii loo balaadhin lahaa ceelasha biyo soo saarka ee degmadaasi waxaanu intaas ku daray in beebabka laga bedelayo halka ay biyuhu uga yimaadaan degmada sheikh oo Masaafo ahaan dhan 12Km  kadib markii ay si fiican u shaqayn waayeen dhuumaha amase beebabkii hore .

Waxa uu Maayarku cadeeyay inay ku rajo weyn ka qabaan in sannadkan gudihiisa ay Magaalada Sheekh heli doonto Biyo Ku filan,sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Degmada Sheekh ka hadlay xaaladaha nabadgalyada, Waxbarashada iyo Caafimaadka ee degmadaasi oo uu ku sifeeyay mid meel wanaagsan maraysa ,Waxaa kale oo uu intaas ku daray inuu dhamaystiran yahay dhismaha Cisbitaalka Degmada Sheekh oo ay sugayaan oo qudha xadhig ka jaristiisii.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee degmada Sheekh Cabdi Ladiif C.laahi Xarbi.

SDN-Sheekh

contact@somalidiasporanews.com