Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay todoba Wakiil oo laba haween yihiin

Hargeysa, 06, May 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay todoba Wakiil oo Somaliland u fadhiisan doona wadamo kala duwan iyo dan-jiraha wareega.

Warsaxafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada, isla markaana uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

MADAXWEYNUHU :-

 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu ku qancay:                   In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1.          In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).

2.      In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.

3.      In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.

4.      In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.

5.      In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.

6.      In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

7.       In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”

 

 SDN Hargeisa