Uncategorized

Mudane ka tirsan golaha Wakiilada oo wax lagu qoslo ku tilmaamay in ay Xukuumadu Salaadiinta ku amarto in aanay Shirka Xamar tegin, muxuu ku sababeeyay?

Hargeysa 05, May 2012 (Qurbejoog.com)- Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maalintii Khamiista Waraysi uu siiyay telefishanka caalamiga ah ee HCTV waxa uu ku sheegay inay tahay wax lagu qoslo inay Xukuumaddu salaadiinta ka horjoogsato inay ka qaybgallaan shirarka Soomaaliya iyadoo Xukuumaddii xeerarkii dalka uga yaallay arrimaha Soomaaliya ay hore usoo burburisay.

Mudane Ayaanle oo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi “Anigu dawladnimada waxaan u aqaana marka dawladdu ay shuruucdii dalka iyadu hormood ka noqoto ilaalinteeda, laakiin marka dawladii intay sharciyadii burburiso, laasho haddana tidhaahdo anaga nama qabto eh dadku qabanaya, taasi dawladnimo maaha ee waa sidaan doono aan yeelo, waxaynu arkayna Xukuumaddii oo salaadiintii intay shiriso ku leh ma tagi kartaan shirarka Soomaaliya, oo miyaanay Xukuumaddu xeerkii iyo sharcigii xakamayn lahaa hadh cad burburin, adeer tani dawladnimo maaha ee way rafanaysa, dawladnimadiina waxay ku burburtay Nidaamka fashilmay ee dalka ka talinaya.”

Xildhibaan Ayaanle waxa uu wax laga xishoodo oo laga yakh-yakhsiyoodo ku tilmaamay hadalada ka soo baxaya wasiiradda dawladda. “Wax qarsoon maaha inay xukuumaddu doonayso in Somaliland burburto oo aynu Xamar iskugu tagno, maba qarsadaanba, marfashyada ayey salaadiinta taageersani ka yidhaahdaan habeen iyo maalin kontiinar ayeynu ku jiraye waynu ka baxayna, wasiiraddu miyaanay afkooda ka lahayn Somaliland dhinacna way u socon waydaye xamar ayaa la iskugu tagaya, niman wasiiro ah oo aan hebel iyo hebel u aqaano ayaa yidhaahda oo goobaha la iskugu yimaado ka yidhaahda, oo anaga nagu yidhaahda oo warbaahinta ka sheega, waa barnaamij taxana ah oo la doonayo in qaranimadii dalkani lagu burburiyo, anigu weligay maan arag dawlad xeerarkeedii iyo qaanuunkeedii u burburisay shir loo qabanaayey dal kale oo soconayey shan saacadood, weli sheeko iyo shaahid tan ayuunbaynu ku hayna, dee sharcigii ay dumiyeen ayuunbaan maantana qabanaynin salaadiinta” ayuu yidhi Mudane Ayaanle.

Xildhibaan Ayaanleh wuxuu sheegay in sharciga dalka loo simanyahay, isla markaana aanay waxba ku kala duwanayn shirkii London iyo ka Xamar ka dhacaya ee lagu dooranayo madaxda dawladda Soomaaliya. “Shirkii London ee Xukuumaddu ka qayb gashay wuxuu ahaa shir Soomaaliya loo qabanayo, kan xamar ka dhacayana waa ku Soomaaliya loo qabanayo, marka haddiiba ay Xukuumaddu sharcigii dalka jabisay oo ay laashay dee sidaanu Siilaanyo u qaban markuu shirkii London tagay ayaanu u qabanaynin salaadiinta kalana” ayuu yidhi Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga UDUB ugu jira golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Abshir Askar