Addis Ababa, 10 May 2012 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maalmihii la soo dhaafay socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya, ayaa maanta u kicitimay dalka Maraykanka, halkaasoo uu wefti uu hoggaaminayaa ay kaga qeybgali doonaan munaasibad balaadhan oo jaalliyadda Somaliland ee wadankaasi ay ugu dabaal-degayaan 21-guuradda Xuska 18-ka May.
Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayay ayaa intii ay joogeen Addis kulamo la yeeshay Wasiirro ka tirsan dalalka Yurub iyo Itoobiya, isla markaana waxa ay ka qaybgaleen shir ay halkaas ku qabsadeen urur gobolleedka IGAD.
SDN, Addis Ababa
