Hargeysa, 10, May 2012 (SDN)- Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamud Jirde (Aamina Waris) ayaa qaabishay xubno oo ka socoday hay’ada lagu magacaabo Ability Foundation oo ka dhisan Wadanka Finland.
Hay’adan oo ka hawl gasha wadamo badan oo adduunka ka mid ah, isla markaana ka shaqaysa arrimaha dadka naafada ah, taasoo Somaliland-na kala shaqaysa ururro ka hawlgala arimaha naafada.
U qaybsanaha hay’ada Ability Foundation ee Geeska Afrika ayaa uga mahadcelisay marwada koowaad ee Somaliland qaabilaada ay u samaysay waxaanay sharaxaad ka siisay Marwada waxyaabaha ay hay’adani qabato, waxaanay xustay in afartii sannadood ee u danbeeyay ay olole ugu jireen sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd Wadamada hela dhaqaalaha lagu caawiyo dadka naafada ah.
Waxaanay sheegtay in sannadkii hore ay Somaliland soo gaadhsiiyeen adduun dhan boqol kun oo Yuuroo, taasoo loogu deeqay labaatanka urur ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso.
Sidoo kale, Marwadda koowaad Somaliland Aamina Sh. Maxamuud Jirde (Aamina Waris) ayaa iyaduna uga mahadcelisay weftigan ka socda hay’ada Ability Foundation booqashada ay ku yimaadeen Somaliland oo aan ahayn tii u horaysay.
SDN, Hargeysa
