Hargeysa 12, May 2012 (Qurbejoog.com)- Urur-siyaasadeedkii tartanka ururada ku hadhay ee Badbaado, ayaa maanta shaaciyay inuu si rasmi ah ugu biiray urur-siyaasadeedka Wadani oo ka mid ah 6-da urur ee soo baxay.
Munaasib loo sameeyay midowga Wadani iyo Badbaado oo maanta lagu qabtay hotelka Ambassador, waxa ka qaybgalay guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna guddoomiyaha ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo guddoomiyihii Badbaado Sheekh Maxamed Cali Geedi.
Heshiis shan qodob ka kooban oo labada dhinac gaadheen oo halkaas laga akhriyay, waxa uu u dhignaa sidan;
Markay eegeen : Danta guud ee dalka iyo dadka
Markay darseen : Duruufaha ku xeeran Jamhuuriyada Somaliland
Markay galeen : Wada-hadallo qoto dheer oo muddo badan qaatey
Markay ka baaraan dageen : Nuxurkii wadahadalladii dhex marey
Markay ku qanceen : in ay labadooda urur yihiin kuwo isla jaanqaadi kara
Marka ay ogaadeen : In ay lagama maarmaan tahay in ay awooddooda Siyaasadeed mideeyaan danta dalkoodana meel uga soo wada jeestaan
Waxay labada Urur ee WADDANI iyo BAD-BAADO Ku heshiiyeen Qodobada hoos ku qoran:
1. In lagu midoobo, magaca, calanka, xeerka iyo barnaamijka iyo Astaanta Urur-Siyaasadeedka WADDANI
2. In labadda Urur si midaysan uga qeybqaataan adkeynta nabadgelyada iyo horumarinta qaranimada JSL.
3. In ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo wax-u-dhimaya jiritaanka qaranimada Somaliland
4. . In ay mideeyaan awoodooda siyaasadeed iyo dedaalkooda ay ugu jiraan sidii dalkani u noqon lahaa mid ka horumarsan dhinac walba.
5. In la ilaaliyo lana fuliyo dhamaan mabaadii ada guud ee ku xusan Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Baaq:-
Waxa labada Urur dhammaan taageerayaashooda meelkasta oo ay joogaan ugu baaqayaan in ay halkooda ku midoobaan oo mideeyaan cududooda siyaasadeed, dhaqaale iyo xafiisyadooda isla markaana ku marti qaaday ururada kale iyo siyaasiyiinta madax-bannaan ee danaynaya dalkooda iyo diintooda iyo dhamaan dadweynaha reer Somaliland in ay ka soo qeybqaataan midowga labada Urur.
Waxa kale oo labada urur ugu baaqayeen dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan in ay kala qeybqaataan rumaynta himilooyinka qarankani ku horumarayo kuna gaadhayo barwaaqo iyo guul, iyagoo sidoo kalena taageerayaashooda u soo jeediyay inay weyneeyaan meel kasta oo ay joogaan xuska munaasibada 21guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan 18ka bishan May.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
