Kampala May 12,2012(SDN)-Maxkamada dhawaan dhegeysatay dacwad lagu soo oogay Askari ree Ugaandha ah oo hub ka iibiyay wiil soomaali ayaa goaamisay xukun Xadhig iyo erin isugu jira.
Askarigan AMISOM ka tirsan oo qirtay denbiga ayaa iibiyay sadex wareeg oo saanad ah.
Maxkamada ciidamada Ugaandha oo laan ku leh Muqdisho ayaa askariga ku riday xadhig sanad ah iyo shaqo ka eris.
Askarigan ayaa haatan ku andacoonaya in xukunkaasi ahaa khalad oo iminkana racfaan ka qaatay.
Ciidamada AMISOM ayaa hore loogu eedeeyn jiray in ay hubka iyo saanadaba ka iibiyaan Soomaalida,balse arrinkaa ciidamadu waa ay dafiri jireen goor walba.
Dawladaha reer galbeedka ayay dhacdadani dhabar jab ku tahay,sababta oo ah waxa ay hore ugu andacoon jireen in ciidamada Soomaalida aan lagu aamini karin hubka sidaa darteedna ay ugu dhiibi jireen AMISOM.
SDN-Kampala
