Uncategorized

18 may ma mudna

Umadaha iyo qaramada aduunyadu waxay leeyihiin maalmo xus iyo maamuus ka mudan oo ay si weyn u qadariyaan,xaflado iyo bandhigyo farxadeedna ay ku muujiyaan.

18 may waa mid ka mida maalmaha xuska iyo xusuusta ka mudan bulshada waana maalinta qaranimada Somaliland , waxayna ku suntantahay maalintii magaalada burco lagaga dhawaaqay madax banaanida iyo gooni isku taaga Somaliland      1991 18 may.

Maalmo kooban ayaa ka hadhay sanadguuradii   21 aad ee la soonoqoshada madaxbanaanidii Somaliland  ee ay kula midawday 1 dii july 1960 kii  wadanka somaliya.

20 kii sano ee ay Somaliland jirtay bulshada Somaliland iyo xukuumadihii kala danbeeyay waxay ka sinaayeen weyneynta iyo u dabaal dagida munaasibada 18 may,iyadoo  sanadba sanadka ka danbeeya ay bulshadu hab sidii hore ka sii meeqaam sareysa ay ugu dabaal dagaan,iyagoo  dareenkooda ku muujinaaya banaanbaxyo , socod wadareed,ku dabaal dagida fardaha iyo gaadiidka kala gadisan,ku labisashada calanka Somaliland,ku xardhida jidhka calanka somalind,iyo samaysiga iyo ka soo qaybgalka xafladaha lagu weynaynaayo 18 may , waxaa xusid mudan in maalmahan boqorada ,martiqaadayaasha bulshada,soo bandhigayaasha dareenka bulshada,iyo madadaaliyeyaashu ay yihiin fanaaniinta,abwaanada,iyo guud ahaan suugaanyahanka oo soo bandhiga heeso iyo gabayo wadaniya oo ay ku muujinayaan qiimaha wadanka iyo calankuba leeyahay,marna ku xusa taariikhdii umadu soo martay ee lama ilaawaanka ahayd,marna dardaaran iyo hogo tusaaleyn ugu soo jeediya bulshada.    Waxaan iyana la hilmaami Karin farxad geliyayaasha iyo kalsooni siiyayaasha ay bulshadu wadooyinka u istaagaan daawashadoodu  in ay yihiin ciidamada kala gadisan ee iyagoo cududooda muujinaaya gaardiska ku mara waadooyinka waaweyn ee magaalooyinka Somaliland

Munaasibada  18 may kuma koobna wadanka balse waxaa xiise iyo boholyowba leh sida quruxda iyo qiimaha leh  ee ay u xusaan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan, yurub,ameerika,austreliya,khaliijka carabta.bariga afrika,eshiya,iyo guud ahaan aduunweynaha.

Xukuumada iminka talada dalka haysa ee uu madaxweyne siilaanyo gadhwadeenka ka yahay sanadkii hore oo ahayd intii ay talada haysay markii ugu horaysay ee ay 18 may ku soo beegantay,waxay samaysay dabaaldagyo iyo munaasabado ay ku xusayso 18 may oo nuuceedu aanuu hore u soo marin Somaliland,waxay ahaayeen munaasibado si weyn layskugu taxalujiyay ,micno iyo miisaana looyeelay taariikhduna ay qortay.

Balse sanadkani guud ahaanba wuu ka gadisanyahay sandkii hore marka la eego sida ay dawladu ugu diyaar garawday soo dhaweynta iyo u dabaal dagida 18 may , mana jiraan dhaqdhaqaaqyo muuqda oo loogu diyaargaroobaayo,

Ilaa iyo iminka waxaa ku dhawaaqay gudi qabanqaabo oo ka hawlgasha munaasibada 18 may labada badhasaab ee gobolada togdheer iyo awdal, sidaasay tahayna labadaas gudi kama muuqdaan  dhaqdhaqaaq xoog lihi.

Magaalda caasimada Somaliland ee hargeysa ayaanay haba yaraatee dawladu wax dhaqdhaqaaqa  ka samynin ,  bulshada reer hargeysi waxay is waydiinayaan ma badhasaab la;aan darteedbaa is dhigashada iyo qabanqaabo la;aanta keentay.

Dadka siyaasada xukuumada dhaliila ayaa waxay ku doodayaan in dawladu ay fadhiidh tahay, xuskii la yaabka lahaa ee 18 may 2011 kii ay samaysayna ay ahayd laab la kac iyo waxaan himilo ku dhisnayn,ay la mid tahayna olalihii nadaafada ee xukuumadu markii ay cusbayd ay shaacisay in 45 kii cisho ba mar olale nadaafadeed ay qaban doonto , balse wax aan afar jeer dhaafsiinayn markii ay qabatay ay dhicisawday.

Isku soo wada duuboo  18 may ma mudna ilawshiyo,hilmaamid,fudaydsi,u diyaar garawla;aan,iyo xusid la;aan

xukuumada Somalilandna sanadkan dalka gudihiisa wax qabanqaabo  ah oo muuqda ugu ma jirto  18 may,    iyadoo wufuud wasiiro iyo madax sare ay ku jiraan ay u kicitimi doonaan qaaradaha aduunka iyagoo jaaliyadaha dibada kala qayb galaaya xuska munaasibada 18 may, waxaa isaguna dalka swedan u duuli doona madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici oo jaaliyada reer swedan kala qaybgalayaa xusuusta iyo xusida 18 may.

 

Hargeisa/Somaliland

Mohamed Adam Mohamoud [ AZHARI ]

burcoduuray@hotmail.com