Uncategorized

Nuxurka amar uu wasiirka Caddaaladu ku socodsiiyay hay’addaha Garsoorka Somaliland

Hargeysa 13, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa qoraal amar ah oo uu soosaaray ku socodsiiyay hay’addaha Garsoorka dalka.

Sida ku cad degreetada wasiirka, amarkani waxa uu la xidhiidhaa dhaqan-gelinta cashuur cusub, taasoo ay hore u soo saxeexeen Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisa Maaliyaddu, wuxuuna qoraalka wasiirka Caddaaladu u dhignaa sidan; “Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu, markuu arkay xeerka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku tarikhaysan 15 April 2012 ee u jeedadiisu tahay hirgalinta Cashuuraha ku dhejinta tigidhada kuna socotay dhamaan Wasaaradaha iyo Ha’yaddaha Dawlada, markuu arkay xeerka Wasirka Maaliyada ee la qoray 12 May 2012, u jeedadiisuna tahay wakhtiga hab-dhaqan galinta Cashuu rta ku dhajinta tigidhada oo lagu cadeeyey in hirgalinta Cashiirta tigidhada labilabaayo 12 Mayl 2012 oo ahayd shalay, markii uu tixgaliyey baahida loo qabo in laga wada qayb qaato hirgalinta cashuurta lagu dhajinaayo tigidhada ayaa waxa uu soo saaray Wasiirku in dhamaan lagu wargalinaayo Masuliyiinta Xafiisyada ee xeerka Wasiirku ku socdo in dhaqan galinta ku dhajinta tigidhada in dalka si rasmi ah ay uga bilamatay maalintii shalay ahayd.

In laga bilaabo xeerkan Wasiir aanay bixi karin dukomati lagu waajibiyey in tigidh lagu dhajiyin aan ahayn tigidhka loogu talogalay oo helitaanka tigidhada iyo qoraalada ay ku waajibiyaan ku dhajinta tigidhada iyo qiimaha tigidhada ee ay ku qayaxan yihiin inay kala xidhiidhaan xafiisyada Bariga ee dalka.

Xafiisyada iyo xisaabiyaasha guud ee Gobalada iy Degmooyinka waxa lagu adkaynayaa in Xeerkan Wasiirku soo saaray laga bilabaayo ama dhaqan galinta ku dhajinta tigidhada 12 May 2012 ee ah bishan aynu ku jirno.
Waxaana sigaara Guddoomiyaasha Maxkamadaha looga codsanayaa ee xeerkan Wasiir ku socdo in Maxkamaduhu ay aqoonsan Dhokomatiga lagu waajibiyey ku dhajinta tikidhka ee aanu ku dhajisnay tigidhkii lagu waajibay oo waxaa laga codsanayaa xeerkan Wasiirku soo saaray Masuliyiinta Xafiisyada inay xil iska saran oo ay ku dhaqmaan ku dhajinta Tigidhada xafiisyada dalka.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com