Manhattan May 14,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa maxkamad ay dhawaan saareyso nin loo heysto xiriir uu la leeyahay argegixiso waxa ay markhaati u keeneysaa sarkaal sare oo Shabaabka ka tirsanaa.
Waa markii u horeysay ee maxkamad Mareykan ka dhacdaa uu markhaati ka furo sarkaal hore uga tirsanaa kooxda Al Shabaab.
Sarkaalkan Shabaabka ayaa xog ka dhiibaya nin la yidhaahdo Mohamed Ibrahim Axmed oo hore Soomaaliya ay ku kulmeen.
Ninkan Shabaabka ah ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay CW-2balse waxa uu muuqdaa in uu yahay nin la yidhaahdo Axmed Abdulkadir Warsame oo kal hore laga soo qabtay Gacanka Cadmeed xili uu ka tirsanaa Qaacidada Yemen.
Si kastaba ha ahaatee Maxkamadani waxa ay noqoneysaa mid ka duwan kuwii ay hore.
SDN-Manhattan
