Garoowe May 13,2012(SDN)-Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa maanta war uu soo saaray ku qodobeeyay diidmadooda ku wejahan Dastuurka qabyadaha ee iminka gacanta lagu hayo.
Qoraalka Puntland oo dheeraa ayaa kiyoo dhameystiran sidan u qoraa;
Cinwaanka oo Qabyo-qoraalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Somalia” ama “Somali Republic” waa in loo badala: Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia (Constitution of the Federal Republic of Somalia)
Qodobka 1aad Jamhuuriyada
Faqrada 1aad: halaga dhigo: Somalia waa Jamhuuriyada Federaal ah.
Fiiro Gaar ah Meelkasta oo ay ku qoran tahay “Dowlada Goboleedyadda” waa in loo badala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.
Qodobka 5aad: Afafka rasmiga ah
Dalka wuxuu u baahanyahay hal luuqad oo rasmi ah (af Soomaali). Lahjadaha kale oo af guriga ah, si kastaba ha u kala badnaadeenee, deegamada ay ka jiraan sidii hore halooga isticmaalo.
Qodobka 6aad: Calanka iyo Astaanta Qaranka
Faqrada 3aad: oo u qoran: “Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah soo saaraya Heesta Qaranka, billadaha sharafta iyo maamuuska ay mudan yihiin calanka iyo heesta qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.”
Halaga saaro weerta ah “Baarlamaankaa ayaa sharci gaar ah ka soo saaraya” iyadoo ay hore u jirtay Heesta Qaranka (Soomaaliyey Toosoo).
Halagu daro: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay yeelanayaan Calankooda iyo Astaantooda gaarka ah” taasoo waafaqsan nidaamka Federaalka ee caalamiga ah.
Qodobka 7aad: Dhulka Dowladda
Faqrada 1aad: oo u qoran: “si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.” Halaga dhigo: “si waafaqsan sharciga Caalamiga ah.”
Qodobka 9aad: Magaala Madaxda Qaranka
Halagu daro: “Magaalo madaxda waa meel loo siman yahay, waana in loo sameeyaa maqaam gaar ah (special status) oo ay ka wada xaajoodaan kana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”
Sidoo kale, halagu daro baahinta xaruumaha Hey’adaha Federaalka Dastuuriga ah, sida Baarlamaanka, Golaha Fulinta, iyo Ciidamada (decentralization of Federal Government institutions).
Qodobka 19aad: Xurmada Hoyga
Faqrada 1aad: Halagu daro: “…ama hadaan fal-dambiyeed gudihiisa ka dhacaynin.”
Qodobka 44aad: Dhulka
Farqada 3aad: Qodobkaa waa in lagu kordhiyaa: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay dajinayaan siyaasad-dhuleed heerkooda ah.”
Qodobka 45aad: Kheyraadka dabiiciga ah
Farqada 2aad: oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka waa inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay kala yeelanayaan dawladda federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulada Degaanada dakhliga ka soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga.”
Oraahdaa waa mid aan waafaqsanayn nidaamka Federaalka. Qodobkaan waa in meesha laga saaraa illaa ay ka xaajoodaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Kheyraadka dabiiciga ah: Wixii dhulka Somalia oogadiisa ku yaala, oo hadaba la kala leeyahay, sida badda, webbiyadda, iyo dhul beereedka, deegaan walba wixii ku yaal buu leeyahay, waxaana maamulaya Dowladaha Xubanaha ka Dowladda Federaalka. Wixii intaa ka soo haray oo maalgelid u baahan (sida macadiinta, shidaalka, gaas, iwm) waxaa ka wada xaajoonaya wax qaybsigooda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Qodobkaan kheyraadka ah wuxuu ka horimaanaya Qodobka 54aad ee Dastuurka Puntland.
Qodobka 53aad: Nidaamka Doorashooyinka
Qodobkaan oo u qoran: “Nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah isudhignaanta tirada kuraasta uu xisbi ka helo Golaha Shacabka iyo boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee codbixinta.”
Qodobkaan oo ka hadlaya arrin aan cadayn oo Somalia aan lagaga dhaqmi karin lana aqbali karin, waana in meesha laga saaraa.
Qodobka 58aad: Habdhaqanka Doorashooyinka
Halagu daro: “Guddiga Doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka”
Qodobka 59aad: Sharciga Doorashooyinka
Qodobkaan oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka, Dawlad-goboleedyada iyo Golayaasha Degaanka. Sharcigaas waa in uu xaqiijiyaa:”
Halagu kordhiyo: “Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa soo kala saaraya sharciga doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka…”
Qodobka 60aad: Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Xisbiyadda Waxaa jiri doonaa Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka oo maamula doorashooyinka Federaalka, waxaana sidoo kale jiri doona Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Somalia oo mid kasta yeelanaysa Guddi Doorasho oo iyada u gaar ah
Qodobka 63aad : Qaab dhismeedka Dowladda
Faqradiisa 1aad xarfaha a,b iyo c ha laga dhigo qaab dhismeedka Dowladda waa laba heer oo kala ah:
a) Heerka Dowladda Federaalka iyo
b) Heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay hoosimaanayaan Dowladaha Deegaanka.
Qodobka 64aad : Tirada iyo xuduudaha Dowlad-goboleedyada iyo Degmooyinka Tirada iyo Xuduudaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, waa in loo qaata sida ku qoran Faqradaha 5aad iyo 6aad ee isla Qodobkaan. Waana in meesha laga saaraa Faqradaha 1, 2, 3 iyo 4aad, oo ka horimaanaya Faqradaha 5aad iyo 6aad.
Qodobka 67aad: Iskaashiga Dowlad goboleedyada
Faqrada 1aad, (a) weerta ah “Guddoomiyayaalka dawlad goboleedyada” waa in meesha laga saaraa sababtoo ah meel ka dhac ku yahay maamuuska iyo xilka mas’uuliinta sare ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia oo ku qeexan Dastuurka Puntland.
Qodobka 68aad : Wada-xaajoodyada Caalamiga ah
Faqrada 2aad: weerta “Xukuumadda Federaalka ah waa ay ku dari karta ergada wada xaajoodka” waa in lagu bedelaa “waa in ay ka mid noqdaan”
Faqrada 3aad ha laga tuuro, sababtoo ah waxay xadgudub ku tahay xuquuqda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qodobada kala qaybinta Awoodaha ee 69-77aad
Waxqaybsiga awoodaha oo ku qoran qodobada 69-77aad oo loo soo qoray qaab xadgudub iyo amar ku taaglayn ku ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa in laga saaraa Qabyo-qoraalka ilaa ay ka soo dhismayaan Dowladaha ka mid noqonaya Dowladda Federaalka oo dhiman oo iyagu awoodaa wax qaybsiga leh, kuwasoo wada xaajood ay ka wada gaari doonaan wax qaybsiga awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qodobka 86aad : Hogaamiyaha Mucaaradka
Farqada 1aad ee qodobkan lama garanayo waxa looga jeedo, halaga saaro meesha.
Qodobka 87aad: Xilka Xeer dejinta Golaha Shacabka
Faqradaha C & D waa in laga saaraa qoraalka wuxuu awooda ka qaadayaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka, wuxuuna awoodaas ku wareejiyay Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) taasoo keenaysa jahwareer
Qodobka 88aad : Tirada Xubnaha Golaha Shacabka
Faqrada 2aad weerta ah “Sharci gaar ah ayaa qeexaya halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aminta tirada xubnaha Golaha shaciga.”
Faqradaan waa in meesha laga saaraa sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa heshiiskii Roadmap-ka iyo Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 ee lagu go’aamiyey dhimida tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Dowladda Federaalka lagana dhigay 225 xildhibaan.
Faqrada 4aad ee isla qodabkaan looma baahna sababtoo ah wuxuu ka imaanayaa nidaamka tartanka Xisbiyadda badan.
Qodobka 93aad: Tirada Xubnaha ay shirarku ku ansaxayaan iyo go’aan gaarista Golaha Shacabka
Faqrada 2aad weert ah saddex meelood labo loo bedelaa kala bar lagu daray hal tiro (50% + 1) xubnaha Golaha Shacabka.
Qodobka 96aad: Xilka Golaha Wakiillada Dowlad goboleedyadda Iyadoo la raacayo go’ankii Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 waa in magaca Golahan loo bedelaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia.
Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku qoran tahay “Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedyada” waa in loo badalaa “Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia” (kuwasoo matalaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia)
Qodobka 97aad: Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedyada
Cinwaanka qodobkaan waa in loo bedelaa: Golaha Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka Somalia.Xubnaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia oo tiradoodu tahay ugu badnaan 54-Xubnood (sida ku qoran Mabaadiida Garowe 2) oo ku salaysan 18-gobol oo midkiiba 3-xubnood oo ka imaanayaa Gobolladii jiray 1991-kii ka hor (18 Gobol x 3 xubnood = 54).
Qodobka 101aad: Go’aan qadashada Golaha Wakiiladda Dowlad-Goboleedyada
Firqada 2aad: Go’aan qaadashada Golaha Aqalka Sare wuxuu ku salaysmayaa tirada aqlabiyada Sadax meelood labo (2/3) markii laga hadlayo danaha gaarka ah ee Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka oo ay matalayaan.
Qodobka 106aad: Mashaariicda Sharci ee aan saamayn ku lahayn Dowlad Goboleedyada
Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya cod hal-dheeri (50% + 1) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uusan saamayn ku lahayn danaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”
Qodobka 107aad: Mashruuc Sharci oo saamayn ku leh Heerka Dowlad goboleedyada
Qodobkaan wuxu isdaba mariyay awoodihii labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia iyo Awoodaha u qaybsan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna keenaya jahwareer iyo iska horimaad.
Waa in loo qoraa sidatan: “Mashruuc sharciyeed kasta waa inuu maraa labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka: Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, mashruuc sharciyeed kastana waa inuu ku hormaraa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ka dibna loo gudbiyaa Golaha Aqalka Sare.”
Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uu saamayn ku leeyahay danaha Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka Somalia.”
Faqarada 4aad meesha ay ku qoran Madaxweynuhu gudoomiyo hala dhigo in Madaxweynuhu saxiixo si loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku taalo “Madaxweynuhu ha gudoomiyo” halagu badalo “Madaxweynuhu ha saxiixo.”
Qodobka 108aad: Guddiga Dhexdhexaadinta Baarlamaanka Federaalka
Looma baahna Guddigaan Dhexdhexaadinta, shaqadaas waxaa iska leh Maxkamadda Dastuuriga ah.
Qodobka 109aad: Faafinta iyo Xafidaada Sharciyada
Halaga dhigo Faafinta iyo Kaydinta Sharciyadda waxaa u xilsaaran Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Somalia iyo Garyaqaanada Guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.
Qodobka 112aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Cinwaanka halaga dhigo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” meel kasta oo ay ku qoran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama Jamhuuriyadda Somalia ha lagu badalo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” ama “Jamhuuriyadda Federaalka Somalia”
Faqradiisa 1aad (c) halaga saaro eragya “horumariyaha”
Qodobka 113aad: Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada
Faqrada 1aad
Waa in loo bedelaa sidatan:
Muwaadin kasta oo Somali ah waa u furan tahay in uu u tartamo Madaxweyne Dowladda Federaalka Somalia haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:-
(a) Inuu yahay muwaadin Somali ah, Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.
(b) Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.
(c) Inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay.
(d) In uusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin xuquuqda bani’aadamka.
Faqrada 2aad weerta ah: “Murashax Madaxweyne, haddi uu haysto jinsiyada dal ama dalal kale waa inuu doorashada ka hor ka tanaasulaa jinsiyad ama jinsiyadaha shisheeye, waana inuu Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka u gudbiya caddaymo rasmi ah.”
Halaga saaro faqradaan sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.
Qodobka 115aad: Awooda Madaxweynaha
Ha loogu hormariyo faqrad oranaysa: “Ilaaliyaha Diinta Islaamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka Somalia”
Halagu daro Awoodaha Madaxweynaha:
1. Ku dhawaaqiyadda Xaalada Deg degga ah iyo Xaaladda Dagaal
2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida
3. Magacaabista Sarakiisha sare ee Dowladda Federaalka
Faqrada 1aad: weerta ah “…ogolaanshaha Golaha Wasiirada ka dib” ha lagu badalo “…soo jeedinta Golaha Wasiirada”
Faqrada 5aad halaga dhigo sidatan: “Madaxweynaha waa horumariyaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta”
Faqrada 6aad weerta ah: “Madaxweynuhu inuu gudoomiyo” halaga dhigo “Madaxweynuhu inuu saxiixo”
Faqrada 7aad halaga dhigo “Golaha Shacabka (Aqalka Hoose)”
Qodobka 117aad: Maxkamadaynta iyo Maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha
Faqrada 1aad halaga saaro erayga “culus”
Weerta ah: “Madaxweynaha waxaa maamus ka-xayuubin kusoo oogi kara Golaha Shacabka marka uu ku galo dembi khiyaano-qaran ama xadgudub culus ee Dastuurka.”
Halaga dhigo “Madaxweynaha waxaa maamus ka xayuubin kusoo oogi kara labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka marka uu galo dembi khiyaano qaran ama xadgudub Dastuurka. Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.”
Qodobka 122aad: Golaha Wasiirada
Faqrada 3aad halaga saaro tirada xadidaysa Wasiirada, waana ka badnaan karaan waana ka yaraan karaan duruufaha siyaasadeed ee jira awgood.
Faqrada 4aad haloo dhigo sidatan: “Golaha Wasiirada waxaa laga dhex xulan karaa Baarlamaanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Haddii xubin Baarlamaanka ka tirsan loo magacaabo xubin Golaha Wasiirada wuxuu luminayaa xubinimadiisii Baarlamaanka.”
Farqada 5aad haloo qoro sidan: “Xilbanaynta Raysul Wasaaraha sabab kasta ha ku timaadee waxay keenaysaa dhicidda Golaha Wasiirada.”
Qodobka 123aad: Shuruudaha Xubinimada Golaha Wasiirada
Faqradiisa 1aad
(a) da’da Raysul Wasaraha hala dhigo ugu yaraan 40 sano
(c) weerta ah: “haddi uu haysto jinsiyad dal ama dalal kale waa in uu si
rasmi ah ugu tanaasulaan jinsiyadda shisheeye inta uusan qaban xilalkaas”
Halaga saaro faqrada ah (c) sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.
Faqrada 2aad (a) halaga dhigo aan ka yarayn 35 sano
Faqrada 3aad ha la isku daro (a) iyo (b) hana laga dhigo sidatan: “Waxaa ka reeban inay qabtaan xil kale ama Dowladeed ama gaar ahaaneed mudada ay xilka hayaan”
Qodobka 125aad: Xilka iyo Awooda Ra’isalwasaaraha
Faqrada 1aad (c), (d) iyo (e) halaga saaro waxaa iska leh awoodahaas Madaxweynaha Federaalka Somalia.
Qodobka 133aad: Nidaamka Maxkamaha Dalka
Halaga dhigo: “Garsoorku wuxuu noqonayaa laba heer oo ah heer Federaalka iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaa ka dhaxaynaya Maxkamada dalka u saraysa oo Heer Federaal ah iyadoo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelan doonaan Maxkamad Sare oo iyaga u gaar ah.”
Arrintaan ayaan waafaqsan nidaamka dowladaha Federaalka ee caalamka ka jira.
Dowladda Federaalka waxay yeelan kartaa maxkamado shuruucda hey’adaha u gaarka ah Dowladda Federaalka lagu qaado.
Qodobka 141aad: Magacaabista Garsoorayaasha
Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa nidaamka Garsoorka ee Federaalka ah oo labo u qaybsama kuwasoo kala heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Maxkamadaha dalka waxay noqonayaan badidoodu Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Maxkamada Sare, Maxkamada Darajada Koowaad, Maxkamada Gobolka, iyo Maxkamada Degmada. Dowladda Federaalka waxay yeelanaysaa Maxkamada u saraysa dalka oo ah Rafcaanka u sareeya dalka iyo Maxkamada Dastuurka Federaalka ah.
FG: Wixii intaa ka baxsan oo Maxkamadaha ah waa in laga saara.
Qodobada 133-145 oo ka hadlaya Garsoorka Qaabdhismeedkiisa, magacabistiisa iyo xilgudashadiisa
Waa in laga wada hadlaa oo la waafajiyaa nidaamka awood qaybsiga Garsoor Federaalka ah.
Qodobka 147aad: Samaynta Guddi Madaxbannaan
Qodobkan haloo qoro sidatan: “Waxaa jiri doona Guddiyo madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waajibaadkooda, xilkooda iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer gaar ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo xilsaaray, Xubnaha ka qaybgalaya waa in lagala tashada awoodna loo siiyaa inay ka qeybqaataan Dowl
