Uncategorized

Wasaaradda Qorshaynta oo Hay’ada Shaqaalaha kala wareegtay 18 Shaqaale cusub ah

Hargeysa, 14, May 2012 (SDN)- Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Nuux Sh. Muuse Ducaale, ayaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka ku wareejiyay 18 xubnood oo ka mid noqonaya shaqaalaha wasaaradaas, kuwaasoo ku guulaystay imtixaan dhawaan ay dad tiro badani u galeen jagooyin ka banaanaa wasaaradda.

Munaasibad loo sameeyay wareejinta shaqaalahan oo lagu qabtay hoolka hay’ada shaqaalaha dawlada ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Axmed Gahayr Faarax oo ku hadlayay magaca macalimiinta imtixaanka qaadaysay isagoo ka waramay qaabkii imtixaanku u dhacay oo waafaqsanaa ayuu yidhi hab cadaaladeed dhamaystiran.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Nuux Sh,Muuse Ducaale oo madashaasi ka hadlay ayaa ugu horayn u mahadnaqay macalimiinta imtixaanka qaaday isagoo sharaxaad ka bixiyay hanaankii ay imtixaankan u soo agaasimeen,iyo sida ay u waafajiyeen hab cadaaladeed oo cid waliba ku qanacdo.

Wasiirka Wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad X. Cali Shire, ayaa u hambalyeeyay shaqaalaha ku guulaystay imtixaanka waxa kale oo uu amaan u jeediyay maamulka iyo hawl wadeenada hay’ada shaqaalaha dawlada.

SDN, Hargeisa