Nairobi 14, May 2012 (Qurbejoog.com/Star)- Nin Argagixisonimo looga shakisan yahay oo Jarmal ah, isla markaana lala xidhiidhiyay inuu gacan-saar la leeyahay kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay u badan tahay inuu u gudbay Soomaaliya.
Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Ahmed Khaled Mueller oo ay Sabtidii Booliska Kenya sawirkiisa qaybiyeen, waxa la aamisan yahay inuu si qarsoodi ah ku soo galay Kenya, si uu u qorsheeyo weeraro Argagixiso oo ka dhaca dalkaas.
Sida uu ku waramay wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, ninkani waxa uu isticmaalaa magacyo badan oo aan sax ahayn oo ay ka mid yihiin Andreas Martin Muller iyo Abu Nusaibah iyo kuwo kale. “Wax firkad ah kama haysano halka uu waqtigan xaadirka ah ku sugan yahay. Waxa laga yaabaa in sidoo kale uu u gudbay Soomaaliya, laakiin saraakiisha amaanku waxay ku jiraan feejignaan sare, si ay isugu dayaan, una qabtaan ninkaas,” sidaa waxa sheegay ilo-wareedyo Booliska Kenya ah.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Boolisku dadka waydiistay inay saldhiga ugu dhow ku soo wargeliyaan Ahmed Khaled Mueller, si loogu gacan-geliyo Waaxda La-dagaalanka Argagixisada ee Booliska, si ay su’aalo uga waydiiyaan gacan-saarkiisa Argagixiso.
Qurbejoog.com, Nairobi
