Uncategorized

Madaxweynaha Pakistan oo Amar ku Bixiyay in la soo furto shaqaale Markab oo burcad Soomaali ah heysato

Islamabad May 15,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Cali Malik ayaa amar uu faray wasiirka arrimaha guddaha ee Pakistan Rehman Malik waxa uu ku sheegay in uu hubiyo siideynta dad dalkaa u dhashay oo burcad badeed Soomaali ah.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa muwaadiniinta dalka Pakistan ee gacan tooda ku jira waxa ay u qabteen maanta in lala soo gaaro madaxfurashada.

Maxaabiista ayaa gacanta u galay ka dib kolkii burcadu ay sanadkii 2010 ay qafaasheen markab ay la socdeen oo la yidhaahdo MV Albedo.

Burcada Soomaalida ayaa kolkii hore madax furasho ahaan u dalbaday 8 million oo doolar,balse haatan doonaya uun 1.4 million.

Qoysaska dadka la heysto ayaa maalmihii u danbeeyay waday dedaalo ay lacagtaa ku ururinayaan,waxaana qaar ka mida ehelada dadka la heysto maalmihii u danbeeyay ay ka dawarsanayeen wadooyinka Pakistaan.

Burcada Soomaalida ayaan la hubin waxa ay ka yeeli doonaan dadka ay hayaan hadii maanta lacagta lala soo gaadhi waayo.

SDN-Islamabad

contact@somalidiasporanews.com