ILAAHAY BAA MAHAD DHAMAANTEED ISKA LEH INTAA KA DIB
(Run waxaa u fiican marka mabda aad rumaysantahay camalkaagu kaaga markhaati furo)
DHamaantiin waad salaaman tihiin wariyayaasha iyo akhristayaashaba meel kastood joogtaan
Waxaan maanta idiin soo gudbinayaa qoraalkan oon is idhi waa aynu u baahan nahay
Dhamaanteen soomaalida adduunka ku nool oo dhan waayo tani way ina khusaysaa
Inaynu iska dhex eegno jawaabahani inaynu ku sifowno iyo in kale,allena waxaan ka baryeyaa in ilaahay quluubta inoo wanaajiyo
SH, ibrahin alle ha u naxariistee waxaa la waydiiyey ilaahay baan barinaa lanoomana soo jawaabo sh, maxaa dhacay?
SHeakh waxaa uu ku jawaabay quluubtiinii way dhimatay,waxay ku yidhaahdeen maxaa dilay quluubtayada ?
Waxaa uu ku yidhi sheekhu 8 sifo ayaa ugu wacan in quluubtiinu dhimato ka dibna ducada laydinka aqbali waayo.
1- xaqii baad ogaateen manaydaan gudan xaqii ilaahay
2- quraankii baad akhriyeysaan kumaydaan camal falin,xuduudihii quraanka (amarkiisii)
3- waxaad tiraahdeen nabi maxamed s.a.w. ayaan jecelnahay sunaddiisiina kumadaan dhaqmin
4- waxaan ka cabsanaynaa dhimasho ayaad tiraahdeen umanaydaan diyaar garoobin
5- shaydaanka cadow ka dhigta ayaa alle idin yidhi maydin maqlin cadowgiinii baad adeecdeen markaas baad la gasheen heshiis ilaa aad hoos ula dhaadhacdeen
6- waxaad tiraahdeen waxaan ka cabsoonaynaa naarta .markaas baad jidhkiinii naar ku wada tuurteen
7- waxaad tiraahdeen waxaan jecelnahay janada umanaydaan shaqaysan
8- markaad gogoshiina ka kacdaan ceebtiinaad dhabarka marisaan ,markaas baad ceebta dadka is hor gogoshaan markaas baad rabigiin ka cadhaysiisaan
sidaad u rabtaan ilaahay in uu ducadiina u soo jawaabo markaad sifooyinkaa aad ku sifowdeen.
Alle ha inaga dhigo kuwii wax ku qaata waanooyinka naftoodana wax kaga badala
Sidaa iyo nabad gelyo
Fuad m,farah jawi
Ottawa Canada
