Uncategorized

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) oo dadka Soomaalida uga digtay dad si been-abuur ah magaceeda u adeegsanaya, kana hadashay qorshahaa dadka lagu baadhanayo

Hargeysa 15, May 2012 (Qurbejoog.com)- Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka (IOM), ayaa digniin ay soosaartay ku socodsiiyay dadka Soomaalida oo ay uga digtay inay rumaystaan been-abuur magaceeda loo adeegsanayo.

Siday IOM ku sheegtay farriin digniin ah oo ay soosaartay, waxay ku sheegtay inuu jiro qorshe been-abuur ah oo ay hal-abuurkeeda leeyihiin dad iska dhigaya inay ka mid yihiin shaqaalaha hay’addaas, kuwaasoo hab aan sharci ahayn ku baadhanaya dadka Soomaalida. Qoraalkaa digniinta ah ee ururka caalamiga ah ee Socdaalku soosaaray, waxa uu u dhignaa sidan; “IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay’ada IOM. Shaqsiyaadkan ayaa lasoo xidhiidha ama lasoo xidhiidhey dad ka mid ah mujtamaca ku nool dhulalka Soomaalida iyagoo dadka u sheegaya in ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasib si ay lacag uga helaan dadka.

Shaqsiyaadkan sameynaya been abuurashada, waxay u sheegayaan dadka biri-magaydada ah in ay ku guuleysteen bakhtiyaa nasiib loogu qaadi doono Waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Kanada ama ustareeliya

Fadlan Akhristo, ogow dadkani telefoonada dadka u soo diraya in ay yihiin Beenaaleyaal.

IOM malaha, kamana shaqayso wax kasta oo ku saabsan bakhtiyaa nasiib, waxayna halkan idiinka cadeynaysaa in ay bari ka tahay waxyaabaha la midka ah arintan.

Hadii aad heshid telefoonada noocan ah, fadlan ha rumeysan, hana u jawaabin, hana u hogaansaminin codsi kaaga yimaadda qof doonaya in aad lacag sidaas ku siiso.

Fadlan noo soo tabi hadii aad telefonada noocan oo kale ah hesho iyo wixii akhbaar ah ee la xidhiidha arintan adigoo fariintaada ku soo diraya Ciwaanka : iomnairobi@iom.int

Mahadsanidin”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com