Uncategorized

Xukuumadda oo ka hadashay khasaaraha iska-horimaad maanta dhexmaray ciidanka Qaranka iyo shicib hubaysan iyo tirada loo xidhay dhacdadaas

Hargeysa 15, May 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay iska-horimaad maanta dhexmaray ciidanka qaranka iyo dad shicib ah, kaasoo khasaare laxaadle dhaliyay.

Ilaa todoba qof oo saddex ka mid ahi ciidanka qaranka ka tirsanaayeen, ayaa ku dhintay shaqaaqadaas oo ka dhacday xeradii Madaafiicda oo u dhaw wershadii Kabista oo ku taala dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Mr. Cadami waxa uu cambaareeyay shicib hubaysan oo uu ku eedeeyay inay soo abaabuleen falkaas khasaaraha dhaliyay. “Waxa dhacay shil fool-xun oo nasiib-darro ah, oo lama filaan ah, waxaanu ka dhacay xeradda Madaafiicda goobta la yidhaahdo ayuu xagga dooxa ka xigaa warshadii kabka. Goobtaas waxa xilli waaberigii ah ku soo waabariistay dad shicib ah oo hubaysan, dabadeedna waxay soo weerareen ciidankii Milateriga ah ee meesha joogay,” ayuu yidhi wasiirka Difaaca oo u waramay BBC-da. “Dagaal baa meesha ka dhacay nasiib darro ah, dhammaan dadkii halkaasi ku geeriyooday tacsi baan eheladoodii u dirayaa, waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waa umaddii walaalaha ahayd, waa ummaddii soo wada halgantay ee masiirka wadaagtay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiirku waxa uu xaqiijiyay dhimashada saddex askari iyo afar qof oo shicib ah, iyadoo tiro kale oo badanina ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in xeradaas dirirtu ka dhacday ay weligeed ahayd xero ciidan, wuxuuna xusay sida uu uga xun yahay in dad shicib ahi ay waxyeelo ka soo gaadhay rasaasta ay labada dhinac iswaydaarsadeen.

Dhinaca kale, wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo galabta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in shaqaaqada saaka dhacday ay ka dambaysay 60 qof oo uu shicib ah oo uu sheegay in isagoo hubaysan ay soo weerareen goobtaas.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in 28 ka mid ah dadkaas ay u qabqabteen fal-dambiyeedkaas abaabulan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com