Uncategorized

Hargeysa: Guddiga Doorashooy​inka oo faahfaahin ka bixiyay doorasho tijaabo ah oo ay maanta qabteen (Dhegayso)

Hargeysa 16, May 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta qabtay doorasho tijaabo ah, si ay u qorsheeyaan qaabka ay u dhigayaan qabashada doorashooyinka dhawrka jeer xilligoodii dib uga dhacay ee Deegaanada Somaliland.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Geelle oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Komishanka Doorashooyinka ee Hargeysa oo ay xilligaa ka socotay doorashada tijaabada ahi, waxa uu sheegay in cod-bixintaas tijaabada ah ay ka qaybqaadanayeen 200 boqol oo qof oo si gaar ah loo soo xulay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in doorashadaas tijaabada ahi ay muhiimad u leedahay suurtogalinta doorashada Deegaanada dalka, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinka ay ka leeyihiin iyo qaabka ay u qabteen intaba.

Halkan ka dhegayso hadalka Afhayeenka KDQ

NEC Spokesman

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com